Milkiilaha kooxda Arsenal Stan Kroenke ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu lacag rikoorka ah ku bixiyo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee West Ham United Declan Rice xagaagan.
24-sano jirkaan ayaa la filayaa inuu ka tago garoonka London Stadium dhamaadka xilli ciyaareedkan, iyadoo tababare David Moyes uu qirtay in uu xiddigu isaga tagi karo kooxda.
Kooxo badan oo Premier League ah oo ay ku jiraan Arsenal, Manchester United iyo Manchester City ayaa dhamaantood doonaya saxiixa xiddiga khadka dhexe iyada oo sidoo kale lala xidhiidhinayo Bayern.
Si kastaba ha ahaatee, Gunners ayaa la rumeysan yahay inay tahay kooxda safka hore ugu jirta saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe, iyadoo tababare Mikel Arteta uu xiddiga reer England u arko bartilmaameedkiisa 1-aad.
Sida laga soo xigtay The Express, Milkiilaha Arsenal ayaa ogolaaday in ay 100 milyan ka bixiyaan xiddiga reer England si ay u helaan saxiixiisa.
Hadii ay dhacdo Arintaas xiddiga Rice ayaa noqon doona saxiixa ugu qaalisan taariikhda kooxda Arsenal kadib markii ay kooxdu 72 milyan ka bixisay Nicolas Pepe.

Related



Source link