Xiddigii hore ee Real Madrid Royston Drenthe ayaa isku bedelay inuu noqdo aktar isagoo jilaya musalmusal ka baxaya dalka Holland.

Ciyaaryahankii hore ee Netherlands ayaa ku dhawaaqay inuu ka soo muuqanayo musalsal lagu magacaabo Mocro Maffia oo ku saabsan gaagistaro iyo ka ganacsiga daroogada ee magaalada Amsterdam.

Dhowr sawir oo laga qaaday musalsalka ayaa muujinaya Drenthe oo gacanta uu ugu jiro bistoolad.

“Waqtigii waa uu yimid” ayuu Drenthe ku qoray Instagram.

“Ka dib waqti dheer oo aan aamusnaa, waxaan ugu danbeyn shaacin karaa in laga arki doono musalsalka Mocro Maffia!

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ka qeyb qaato musalsalka, mana sugi karo inaan doorkeyga idinku madadaaliyo.

“Waxaan aad ugu sii faraxsanahay inaan idiin tuso qeybta kale ee Royston, laakiin waxaan rajeynayaa inaad ugu riyaaqdaan sida aan aniga ugu riyaaqay, sidaasi darteed balse soo daawada.”

Mocro Maffia ayaa ku saabsan seddex saaxiib oo kala ah Romano, Pencil iyo The Pope – kuwaasoo danbiyo yaryar ku bilaabanaya ka hor inta aysan la wareegin ka ganacsiga darooda magaalada Amsterdam.

Hinaaso ayaa sabab u nioqonaya inay kooxdaan saaxiibada ah kala burburuto. Waa xalqadaha cusub halka uu ka soo muuqan doono ciyaaryahankii hore ee Real Madrid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here