(Yurub) 26 Mar 2020. Warsidaha Jarmalka ka soo baxa ee “Bild” iyo sidoo kale “Sport 1” ayaa labaduba werrinaya in kooxaha Bayern Munich iyo Manchester City ay ka fikirayaan is dhaafsiga ciyaartoyda kala ah David Alaba iyo Leroy Sane.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Bayern ay u soo bandhigtay Pini Zahavi oo ah wakiilka cusub ee David Alaba qorshaha heshiiska is dhaafsiga ah.

Zahavi ayaana la kulmay Man City iyadoo kooxda reer England ay aqbashay qorshahaas, hase ahaatee, waxaa sheekadaas dhan ka burburiyay Alaba, maadaama uusan dooneyn ku biirista koox ka ciyaarta Premier League-ga.

Bayern & Man City 'consider Alaba-Sane swap but Austrian star ...

Xiddigga reer Austria ayaa iska diiday yaboohii ugu horreeyay ee heshiis kordhinta Bayern, waxaana kooxda Bundesliga-ha difaacaneysa ay ogaatay inuu xiddiggan doonayo ka tagista kooxda, inkastoo macallinka Bayern ee Hansi Flick uu dadaalkiisa oo dhan isugu geynayo in Alaba uu sii joogo.

Sidaas oo ay tahay, waxaa weli socda wada hadallo ay wada qaadanayaan agaasimaha ciyaaraha Bayern Munich ee Hasan Salihamidzic iyo wakiilka difaaca bidix ee Pini Zahavi oo ku aaddan heshiis kordhinta xiddiggan.

Warar dhowr ah ayaase werrinaya in Alaba uu doonayo u dhaqaaqista dalka Spain haddii uu kooxdiisa heshiiska u kordhin waayo, xilli Real Madrid iyo Barcelona labaduba ay damacsanyihiin saxiixiisa, waxaana aad u yar fursadda uu ku doorranyo ku biirista kooxaha Ingiriiska ka dhisan.

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here