Zlatan Ibrahimovic ayaa la sheegay inuu joojinayo gebi ahaanba ciyaarista kubadda cagta oo uu hawl-gab ka noqonayo, iyadoo uu xirfaddiisa kusoo xidhayo kooxdiisa hadda ee AC Milan.

Halyeyga reer Sweden ee 38 jirka ah, ayaa u xadhko xidhanaya inuu bilaabo shaqo cusub oo uu lacag badan ka samayn karayo oo kubadda cagta dhexdeeda ah, taas oo uu la kaashanayo shaqsi caan ah oo ka taajiray kala-dillaalista laacibiinta iyo kooxaha.

Zlatan Ibrahimovic oo waqti qurux badan kusoo qaatay kooxaha Ajax, Juventus, Inter Milan, Barcelona, AC Milan, PSG, LA Galaxy iyo Manchester United, waxa uu noqon doonaa wakiil la shaqeeya Mino Raiola oo iib-geeya ciyaartoyda dunida.

Sida uu qoray wargeyska La Gazzetta dello Sport, Ibra oo imtaantinkiisii AC Milan ay sabab u ahaayeen Paolo Maldini, Zvonimir Boban iyo Stefano Pioli ayaa hadda go’aansaday inuu soo afjaro waqtigiisa San Siro kaddib shaqada laga caydhiyey Boban, sidoo kalena Maldini la sheegayo inuu dhowaan iskaga tegayo xilkii agaasimenimo ee uu hayay.

Waxa uu markaas Zlatan Ibrahimovic rafiiq la noqon doonaa oo ay wada shaqaysan doonaan Raiola oo wakiil u ahaa tan iyo sannadkii 2000 markii uu Ajax u ciyaarayay, kaas oo uu ka dhexeeyo isfaham weyn iyo saaxiibtinimo sababi karaysa inay shirkad noqdaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here