Waxa lasoo bandhigay 10-ka ciyaartoy ee ugu qiimaha sarreeya dunida kubadda cagta, waxaana tobannaan sannadood oo uu kaalmaha sare cidhiidhsanayay kaddib, laga waayey xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo.

Shirkadda qiimaynta ciyaartoyda ee dhinaca suuqa ee Transfermarkt, ayaa soo saartay warbixinteedii sida joogtada ah ay ugu soo bandhigaysay qiimaha laacibiinta dunida, waxaana meel hoose kaga soo baxay Lionel Messi oo hoos uga dhacay halkii lagu ogaa, laakiin Ronaldo oo dhowaan shirkaddan iska xannibay dhaqdhaqaaqeeda oo uu berigii hore la socon jiray, ayaa gebi ahaanba ka maqan tobanka sare.

Afarta horyaal ee Bundesliga, Premier League, Ligue 1 iyo LaLiga ayaa dhamaan liiska tobanka ciyaartoy ee ugu qiimaha badan dunida wada qaatay, waxaana ka maqan horyaalka Serie A oo ay joogaan ciyaartooyo badan oo magac leh sida Ronaldo iyo Lautaro Martinez oo ay kooxo badan doonayaan saxeexiisa.

Shan ka mid ah tobanka ciyaartoy waxay ka ciyaaraan horyaalka Ingiriiska ee Premier League, labada horyaal ee LaLiga iyo Ligue 1 ayaa min laba ciyaartoy kasoo galeen, halka uu xiddiga tobnaad ka yimid horyaalka Bundesliga.

Halkan kaga bogo liiska tobanka laacib iyo qiimeyaasha ay suuqa ka taagan yihiin:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here