Guushii El Clasico ee xalay waxay ka dhigtay in Real Madrid ay la wareegto hogaanka horyaalka La Liga.

Ka dib markii ay kaga badiyeen kooxda ay cadowga yihiin ee Barcelona 2-0, kooxda Zinedine Zidane ayaa hal dhibic hogaanka kaga qabatay Blaugrana iyagoo xitaa farqiga goolasha kaga fiican dhigooda Barcelona, waxaana faa’ido weyn u sii ah jadwalka kulamada u haray ee tartanka horyaalka.

Kooxda Barcelona waxaa weli u harsan inay Camp Nou ku soo dhaweeyaan Atletico Madrid 26ka bisha April halka ay booqan doonaan Sevilla 5ta bisha April, waa labo kulan oo adag oo ay Madrid durbaba ka soo gudubtay.

Real Madrid iyaga xitaa kulamo adag ayay wajahayaan iyagoo Bernabeu ku soo dhaweynaya Getafe halka ay u safri doonaan Real Sociedad. Kulanka Real Sociedad ayaa ah kulanka kaliya ee ay Madrid u safreyso koox haatan ku jirta todoba kooxood ee horyaalka ugu sareeya inkastoo ay sidoo kale u safri doonaan garoonka San Mames oo ay kula ciyaari doonaan kooxda kaalinta 10aad ee Athletic Bilbao.

Athletic iyo Sociedad ayaa ka mid ah todobada kooxood ee weli u harsan inay wajahaan labada kooxood ee ku tartamaya horyaalka halka kooxaha kale ay yihiin Mallorca, Leganés, Villarreal, Alavés iyo Espanyol. Levante ayaa ah kooxda kaliya ee aan la ciyaari doonin Barca ama Real Madrid inta ka hartay xilli ciyaareedka.

Labada kooxood waxaa u harsan min lix kulan oo ay gurigooda ku ciyaarayaan.

Real Madrid waxay martigelin doontaa Eibar, Valencia, Mallorca, Getafe, Alavés iyo Villarreal halka ay booqan doonaan Betis, Real Sociedad, Espanyol, Athletic, Granada iyo Leganés.

Dhanka kale Barcelona waxay Camp Nou ku soo dhaweyn doontaa Real Sociedad, Leganes, Athletic Bilbao, Atletico Madrid, Espanyol iyo Osasuna, halka ay booqan doonaan Mallorca, Sevilla, Celta, Villarreal, Valladolid iyo Alavés.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here