Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Karim Benzema ayaa galay xaalad adag oo dhinaca gool dhalinta, xilli kooxdiisa uu u yahay laacibka kaliya ee ay isku hallaynayso ee ay goolal ka filayso.

11-kii ciyaarood ee ugu dambbeeyey, waxa uu Benzema dhalliyey laba gool oo kaliya, waxaanay ahaayeen nabada naadi Real Zaragoza oo Copa del Rey ay la ciyaareen iyo Osasuna oo horyaalka LaLiga ah.

Inkasta oo uu labadaas gool oo kaliya dhaliyey, haddana Benzema ayaa waxa uu yahay ciyaartoyga goolasha ugu badan usoo dhaliyey kooxdiisa, waxaana shaqadiisa kasoo bixi waayey Luka Jovic oo fursadihii la siiyey aan kusoo bandhigin in uu leeyahay rajo uu kooxda ku badbaadin karayo.

Xiddiga reer Belgium ee Eden Hazard oo dib ugu soo laabtay ayay Los Blancos ka filaysaa inuu shimbir u noqdo oo ugu yaraan uu goolal ku caawin doono Benzema, hase yeeshee Gareth Bale ayaa qaab la’aan ah oo ka hooseeya filashadii loo keenay Santiago Beernabeu.

Dhinaca kale, Benzema waxa uu guud ahaan dhaliyey 18 gool xili ciyaareedkan dhamaan tartamada, waxaana kusoo xiga da’yarka reer Brazil ee Rodrygo Goes oo toddoba gool dhaliyey, kaalinta labaadna fadhiya.

Kaliya Robert Lewandowski oo 48 gool dhaliyey, Lionel Messi 45 gool dhaliyey  iyo Kylian Mbappe oo 39 gool dhaliyey ayaa sannadkii 2019 ka goolal badnaa Benzema oo isaguna saxeexay 35 gool.

Si kastaba, Zinedine Zidane waxa uu u baahan yahay in Benzema uu dib u helo goolashiisa kulamada Manchester City ee Champions League iyo Barcelona ee LaLiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here