Kooxda ka dhisan waddanka Brazil ee Santos ayaa ka dalbaday Barcelona inay iska soo bixiso lacag dhan 4.5 milyan Euro oo qayb ka ahayd heshiiskii ay sannadkii 2013 kaga iibisay xiddiga waddankaas u dhashay ee Neymar.

Khilaaf toddoba sannadood soo socday ayaa wali ka taagan qiimaha lacagtii ay Barcelona kaga soo iibsatay xiddiga ay sii gadday ee Neymar kooxdiisii hore ee Santos, waxaana hadda soo baxday lacag kale oo kooxda reer Spain laga doonayo.

Sida uu qoray wargeyska El Mundo ee kasoo baxa waddanka Spain, Santos waxay farriin burofax ugu dirtay Barcelona, waxaanay ugu sheegtay inay iska bixiso lacag dhan 4.5 milyan oo lagaga leeyahay iibkii Neymar.

Santos waxay ku andacoonaysaa in Barcelona aanay dhamaystirin lacagihii qaybta ka ahaa heshiiskii 2013, gaar ahaan qodobbadii ku waajibinayey in Neymar uu ciyaaro kulamo saaxiibtinimo oo dhex mara labada kooxood, marka laga reebo koobka Joan Gamper oo 2013-kii ay Barcelona ku casuuntay Santos, laakiin wixii intaa ka dambeeyey aanay isku soo laabannin.

Santos waxa kale oo ay rumaysan tahay, in ciyaarahaas baaqday ku weyday lacag, sidaas darteedna ay magdhow ahaan ugu yeelatay Barcelona 4.5 milyan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here