Achraf Hakimi waxa uu qaab ciyaareed wanaagsan kusoo bandhigtay kooxda Borussia Dortmund oo uu laba sannadood oo heshiis amaah ah kula joogo, waxaana dhamaadka xili ciyaareedkan uu dib ugu laaban doonaa kooxdiisa rasmiga ah ee Real Madrid, laakiin tan iyo badhtamihii 2018 oo ahayd xilligii uu aaday Dortmund, waxa uu muujiyey in uu yahay laacib tayo badan oo aan u qalmin in uu ciyaartoy kale kaydka u fadhiyo.

21 jirkan u dhashay Morocco waxa uu ka mid ahaa ciyaaryahannadii Dortmund ee xalay guul-darrada u xambaariyey PSG oo ay lugta koowaad ee wareegga 16-ka ku martigeliyeen.

Ciyaartaas kaddib ayaa la weydiiyey haddii uu dib ugu laabanayo Real Madrid dhamaadka xili ciyaareedka iyo haddii uu ku fikirayo inuu ka maqnaado maadaama booskiisa uu Los Blancos ka haysto Dani Carvajal oo aanu Zidane tuuri doonin, waxaanu ku jawaabay: “Taasi waa waxa ay dadku sheegayaan iyo heshiiskii aan saxeexay. Wax kastaa way dhici karayaan

Hadalkan waxa aan ku farxi doonin Real Madrid oo doonaysa inay dib usoo ceshato xagaaga, sababtuna waxay tahay in aanay u haynin boos joogto ah oo uu ka ciyaaro, laakiin ay tahay inay tartamaan Carvajal.

Si kastaba ha ahaatee, xagaaga ayaa la ogaan doonaa haddii ay Los Blancos ku adkaysato in Achraf Hakimi uu kaydka u geli doono Carvajal iyo in isagaba la siin doono booska joogtada ah, iyo waliba haddii mar kale lagu diri doono amaah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here