Suuqa kala iibsiga ciyaartoygu wuu xidhan yahay, waxaanu dib u furmi doonaa bisha June oo ah xilliga xagaaga ee laacibiinta ugu tirada badan ay kooxuhu kala iibsadaan, hase yeeshee waxa hadda socota xanta iyo ciyaaryahannada ay suurtogalka tahay in xagaaga ay beddelaan naadiyadooda.

Waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa hadal-hayntii iyo wararkii ugu waaweynaa ee Warbaahinta dunidu ka qortay suuqa iibka ciyaartoyga, waxaana ka mid ahaa:

Khadka dhexe ee reer France ee Paul Pogba ayaa rajaynaya inuu ka tago Manchester United xagaagan, laakiin kooxdiisa ayaa doonaysa inay ku fasaxdo lacag aan ka badan £150 milyaan oo Gini. (ESPN)

Real Madrid waxay £50 milyan ku doonaysaa xiddiga Manchester United ee Paul Pogba, sababta ay qiimahaa hoose ugu doonaysana waa in hal sano oo kali ahi ka hadhsan yahay dhamaadka heshiiskiisa Old Trafford. (Mail)

Manchester City waxay Bayern  Munich ka doonaysaa in 24 jirka Serge Gnabry uu qayb ka noqdo heshiiska Leroy Sane oo isaguna 24 jir ah oo ay kooxda reer Germany doonayso. (Sun)

Sane waxa heshiiskiisa ka hadhsan hal sano, waxaanay City u diidi doonaa inuu ka tago xagaaga haddii lagu fuliyo ganaaxa labada sannadood ee tartamada Yurub. (Star)

Tababaraha Chelsea, Frank Lampard waxa uu mugdi geli doonaa mustaqbalkiisa haddii ay Blues badbaadsan kari weydo booska afraad ee ay ugu soo baxayso Champions League. (Telegraph)

Arsenal ayaa rabta inay heshiis cusub oo shan sannadood ah ka saxeexdo 18 jirka Bukayo Saka oo 18 bilood ka hadhsan yihiin qandaraaskiisa hadda, laakiin kooxaha Liverpool, Manchester United iyo Bayern Munich ayaa xiisaynaya laacibkan reer England. (Mirror)

Manchester United waxay doonaysaa agaasimihii hore ee ciyaaraha Paris St-Germain ee Antero Henque iyo madaxa Isboortiga Red Bull ee Ralf Rangnick oo ay rabto in midkood loo magacaabo agaasimaha ciyaaraha United. (Independent)

Difaaca reer France ee kooxda RB Leipzing oo 21 jir ah, ayaa sheegay in uu ogsoon yahay in ay raadinayaan kooxo ay ku jiraan Barcelona iyo Arsenal. (RMC Sport)

Chelsea waxay raadinaysaa 16 jirka kooxda Birmingham City ee Jude Bellingham oo khadka dhexe ka ciyaara, laakiin Manchester United, Barcelona iyo Real Madrid ayaa iyagana lala xidhiidhinayaa. (Goal)

Barcelona waxay bartilmaameedka koowaad ka dhigatay weeraryahanka Leganes iyo xulka Denmark ee Martin Braithwaite oo 28 jir ah, kaddib markii fasax loo siiyey inay lasoo saxeexdaan beddelka Ousamane Dembele oo dhaawac ah. Waxa kale oo ay xiisaynayaan Willian Jose oo ah 28 jir u ciyaara Real Sociedad. (Sky Sports)

Difaaca Talyaaniga, Giorgio Chiellini oo 35 jir ah ayaa 12 bilood oo kale ku kordhinaya heshiiska uu kula jiro Juventus. (Goal)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here