Xiddiga reer Brazil ee Neymar Jr ayaa ciyaartoyga kooxdiisa dusha u saaray masuuliyadda guul-darradii kooxdiisa PSG kasoo gaadhay kulankii ay xalay martida ugu noqdeen Borussia Dortmund.

Kooxda reer France ee PSG ayaa guul-darro 2-1 ah kala soo laabatay booqasho ay ugu tagtay Borussia Dortmund lugta hore ee wareegga 16-ka Champions League, waxaanay ahayd ciyaartii ugu horreysay ee Neymar uu safto kaddib dhaawac afar kulan uu ku maqnaa.

Laacibka reer Brazil waxa uu daqiiqaddii 75aad dhaliyey gool kooxdiisu ku barbarraysay Borussia Dortmund oo ka hor intii aanu Erling Haaland mar kale shabaqa PSG dhex dhigin goolka guusha.

Markii ay ciyaartu dhamaatay ayuu Neymar warbaahinta u sheegay cidda iska leh eedda guul-darrada kooxooda soo gaadhay, waxase uu qirtay in ciyaartu ay ku adkayd maadaama uu afar kulan ka maqnaa, waxaanu yidhi: “Way adag tahay kaddib afar ciyaarood oo aanan dheelin. Aniga doorashayda maaha haddii aanan ciyaarin, kooxda ayaa go’aanka iska leh. Kooxda ayaa go’aanka samaysay iyadoo la tashatay dhakhaatiirta, aniguna waxa aan doonayey inaann ciyaaro maadaama aan fiicnaan dareemay.”

Neymar waxa uu sheegay in kooxdiisu baqanaysay, isaguana shaqsiyan ay soo gaadhay dhibaatadu, waxaanu yidhi: “Kooxdu way baqanaysay, aniga ayaana ah kan dhibaatadu soo gaadhay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here