Kulamadii ugu horreeyay wareega 16-ka koobka horyaalada yurub ayaa xalay la ciyaaray, iyadoo la filayo in caawa iyo isbuucyada kale ay jiraan kulamo kale oo xiiso badan, balse wixii xalay ka dhacay yurub ayaa hadal heyn badan laga sameeyay.

Erling Haaland ayaa noqday xiddiga loogu hadal heynta badan yahay koobka horyaalada yurub kadib markii uu laba gool ka dhaliyay Paris Saint Germain, wuxuuna guul u keenay kooxdiisa.

19-jirkaan ayaa qabsaday warbaahinta caalamka, shabakadda OptaJoe ayaana xaqiiqooyin badan ka baahisay xiddigaan iyo sidoo kale waxyaabahii kale ee xalay ka dhacay yurub.

Erling Haaland oo noqday da’yarka labaad ee 10-gool ka dhaliya Champions League kadib Kylian Mbappe oo 13-gool shabaqa taabsiiyay, balse waa da’yarkii ugu horreeyay ee 10-gool dhaliyay hal fasal oo tartankaan ah.

Erling Haaland ayaa dhaliyay 10-gool tartanka UCL kaliya 7-kulan oo uu kasoo muuqday, waana in ka yar 4-kulan xiddig walba oo taariikhdaan ka sameeyay tartankaan.

Erling Haaland ayaa noqday xiddigii ugu horreeyay ee ka tirsan Dortmund kaas oo gool dhaliyay kulankiisii ugu horreeyay Bundesliga, Champions League iyo DFB Pokal.

Kaliya Antoine Griezmann oo 6-gool dhaliyay ayaa ka badan Saul Niguez golasha Atletico Madrid loo dhaliyo wareega bug-baxda koobka horyaalada yurub.

Liverpool xalay waxey u aheyd markii labaad oo ay ku ciyaaraan Wanda Metropolitano, markii ugu horreysay waxey ku hanteen Champions League sanadkii hore.

Lukasz Piszczek ayaa saftay xalay kulankiisii 350-aad ee kooxdiisa Dortmund dhamaan tartamada oo dhan, wuxuuna noqday xiddigii ugu horreeyay ee ka tirsan Dortmund kaas oo 50-kulan u saftay tartanka Champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here