Madaxweynaha kooxda kubadda cagta Barcelona, ayaa shalay shir la qaatay ciyaartoyga kooxda kaddib markii ay soo baxday fadeexad ruxday kooxda oo tibaaxaysay in Bartomeu uu shaqaalaysiiyey shirkad sumcad dil ku samayso xiddigaha Barcelona qaarkood.

Lionel Messi iyo Gerard Pique ayaa ka mid ahaa ciyaaryahannada lagu sumcad-dilay baro bulsho oo ay gacanta ku haysay shirkadda I3 Ventures oo uu Bartomeu heshiis kula galay inay sare u qaaddo heerka iyo sumcadda ay Barcelona ku leedahay baraha bulshada, laakiin sida ay idaacadda Cadena SER kashiftay, barahan bulshada waxay ahaayeen kuwo weerar iyo sumcad dil ku hayay ciyaaryahannada kooxda qaarkood iyo waliba laacibiin hore oo ay ka mid ahaayeen Xavi, Iniesta iyo Guardiola.

Sababta ayaa la sheegay in ay tahay arrin la xidhiidha loollanka madaxtinimada kooxda oo sannadka soo socda la dooran doono madaxweynaha, taas oo uu Bartomeu doonayo inuu mar kale kusoo laabto.

Shirkii shalay uu madaxweynu la yeeshay ciyaaryahannada oo uu doonayey inuu ku dejiyo xiisaddan ayaa la sheegay in uu ahaa mid aan wanaagsanayn oo aanay ka dhalanin degganaan iyo iscafis, taas beddelkeedana uu Lionel Messi cadho kaga soo baxay goobta.

Wariyaha Isbaanishka ah ee Alfredo Martinez oo si dhow ula socday xaaladda kooxda iyo shirkii shalay, ayaa waxa uu bartiisa Twitterka soo dhigtay xogtii uu ka helay sidii uu jawiga shirku ahaa, waxaanu tilmaamay inuu ahaa mid aan si wanaagsan loo maamulin.

Alfredo Martinez waxa uu sheegay in kulanku ahaa mid u dhexeeyey kabtannada kooxda iyo Madaxweynaha, taas oo la fahamsan yahay inuu u jeedo in shirka ay ka qayb-galeen Messi oo ah kabtanka kooxda, Gerard Pique iyo Sergio Busquets oo ku xigeenno u ah.

Gerard Pique ayaa si layaab leh uga falceliyey Gerard Pique oo hadal aanay cidiba ka filaynin goobta keenay, waxaanu ku hoos qoray hal kelmad oo ahayd: “Puppet” (Waa caruusadda/toyga ay carruurtu ku ciyaarto).

Warbaahin falan-qaysay kelamaddan ayaa waxay tilmaantay in Pique aanu ula jeedin wariyaha qoraalka soo dhigay, hase yeeshee uu ku weeraray madaxweyne Bartomeu, waxaanay intaa ku dareen in aanu ka baqaynin in wax ciqaab ah uu kala kulmo madaxda kooxda maadaama iyagaba uu culays saaran yahay iyo iyadoo ay da’diisu tahay 33 jir oo aanu mustaqbal weyn oo dambe kasii raadinaynin garoomada.

Geesta kale, Gerard Pique waxa uu u dhaqmayaa sidii siyaasi iyo hoggaamiye kooxda ka doonaya jagada Madaxweynenimada ee haddaba sababtay xurftan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here