Manchester United ayaa durba go’aan ka gaartay mustaqbalka Paul Pogba, waxeyna diyaar u tahay iney iska iibiso sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya Ingiriiska.

Sida xogta lagu helay kooxda shayaadiinta cas-cas waxey go’aankaan gaartay ka hor inta yusan wakiilka muranka dhaliya ee xiddiga reer France (Mino Riola) meel fagaare ah ka sheegin inuu xilli hore u bandhigay Juventus.

Red Devils waxey diyaar u tahay iney lacag dhan 130 Malyan oo Pound ku hesho xiddiga au afar sano ka hor kasoo iibsadeen horyaalka talyaaniga, isla markaana lacagtaas u adeegsadaan iney laba xiddig oo England u dhashay ku keenaan Old Trafdord.

Sida la ogaaday kooxda ku ciyaarta Old Trafford waxey isha ku heysaa iney soo iibsato Jack Grealish oo hogaamiye u ah Aston Villa iyo sidoo kale xiddiga khadka dhexe Leicester City James Maddison.

Mino Riola ayaa muran badan ka abuuray mustaqbalka xiddiga reer France, wuxuuna ka dhawaajiyay inuu Pavel Nedved kala hadlay arimaha dib usoo celinta Paul Pogba kaas oo afar sano oo dahabi ah kusoo qaatay Turin.

“Waxaan Nedved iyo Juventus kala hadlay waxyaabo badan oo uu ka mid yahay Pogba iyo ciyaartoy kale, waana waxa u wanaagsan koox weyn”

Man United waxey diyaar u tahay iney xagaaga soo aadan iibiso Paul Pogba, 26-jirkaan tayada wanaagsan wuxuu doonayaa inuu noloshiisa meel kale ku tijaabiyo wakhtiga uga haray kubadda cagta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here