Manchester City ayaa qatar badan gali karta hadii baaritaanada cusub ee ay sameynayaan maamulka Premier League lagu ogaado iney jabiyeen xeerka dhaqaale wanaagga oo ay inkireen, waxaana macquul ah in laga xayuubiyo gabi ahaanba horyaalkii ay ku guuleysteen sanadkii 2014.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in Manchester City aan wali dacwad lagu soo oogin, sidoo kalana maamulka kama hadlin arintaan, waxaana jira warar xan ah oo sheegaya in dhibco laga jarayo fasalkaan, taasna wax macno ah uma soo kordhineyso.

Hadii Manchester City dacwad lagu soo oogo, buugga sharciga horyaalka Premier League wuxuu ogolaanayaa in dhibco jaris lagu sameeyo, waxeyna saameyn ku yeelan kartaa xilli ciyaareedyadii ay dambigaas faraha kula jirtay.

Inkastoo aysan wali xaqiijin maamulka Premier League, hadana waxey arrinta u muuqataa in baaritaanka lagu sameynayo intii u dhaxeysay 2012 ilaa 2016, waana sida ay UEFA ku heysato kooxdaan ka been sheegtay akoonkeeda iyo sidoo kale dakhligii kasoo galay xayeysiimaha.

Ma cada in arintaan ay saameyn ku yeelan karto horyaalkii ay ku guuleysteen 2012 ee ay sida dirqiga ah uga guuleysteen Manchester United, balse waxey saameyn xoog leh ku yeelaneysaa horyaalkii ay ka qaadeen 2014 kooxda Liverpool.

Manchester City wax naxariis ah kama heli doonto 19-ka kooxood ee horyaalka Premier League, waxaaba sii jirta in qaar badan oo kooxaha ka mid ah doonayaan iney ka faa’ideystaan dhibatada soo gaareysa kooxda ay leeyahiin milkiilayaasha carbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here