(Madrid) 16 Feb 2019. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay dalab qiimo sare ku kacaya ku doonato laacibka Man City ee Raheem Sterling.

Los Blancos ayaa indhaha ku haysa inay 180 milyan oo gini ugu dhaqaaqdo soo xero-gelinta laacibka Kooxda Manchester City ee Sterling.

Naadiga Real Madrid ayaa rumeysan inay awoodaan inay la soo saxiixdaan Raheem Sterling sida warbixinta lagu sheegay.

Raheem Sterling ayay ka soo qaadanayaan kooxda Manchester City, iyadoo Real Madrid ay ka war-qabto in labo sanadood laga ganaaxay naadiga Sky Blue tartammada Yurub sida uu warinayo Wargeyska The Sun.

Heshiis qiimahiisu yahay 180 milyan oo gini oo u dhiganta 235 milyan oo doolar ayaa lagu burburin karaa heshiiska laacibkan, iyadoo xiddigan xulka qaranka England garabka uga ciyaara uu doonayo inuu dibedda ka soo ciyaaro mar uun xirfaddiisa ciyaareed.

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here