Liverpool ayaa 25 dhibcood oo nadiif ah ku heysa hogaanka horyaalka Premier League ka dib markii ay 1-0 ku garaaceen kooxda Norwich City oo marti loogu ahaa garoonka Carrow Road.

Kooxda ugu hooseysa horyaalka ee Norwich ayaa laf dhuungashay ku noqotay kooxda hogaanka heysa ee Reds ilaa iyo daqiiqadii 78aad markaasoo uu Sadio Mane u dhaliyay Liverpool goolka guusha isagoo u dabaaldegay goolkiisii 100aad ee kubada cagta Ingariiska.

Kooxda Norwich City ayaa qaab ciyaareed difaacasho adag ah la soo shirtagtay qeybtii hore ee ciyaarta iyagoo ku guuleystay inay kubad walba oo Reds ah ay carqaladeeyaan, halka dhameystirka Liverpool uu isna ahaa mid yara liitay.

Xaqiiqdiina kooxda Norwich ayaa ku dhawaatay inay hogaanka u qabato ciyaarta qeybteedii hore iyagoo hore fursadii ugu fiicneyd balse uu ka badbaadiyay goolhaye Alisson.

Waxaa qeybtii hore lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah iyadoo taageerayaasha garoonka Carrow Road ay ku qanacsanaayeen wixii ay ka arkeen kooxdooda.

Fursadii ugu horeysay ee ugu fiicneyd ee Liverpool waxay timid daqiiqadii 58aad markii Salah uu kubad u dhigay Naby Kieta oo goolka ku toosnaa laakiin darbadiisa gantaalka aheyd waxaa si fantastik ah u bixiyay goolhaye Krul.

Goolhaye Krul ayaa daqiiqo ka dib sameeyay badbaadin aan la aaminin karin isagoo marka hore darbo halis aheyd ka bixiyay Mohamed Salah ka hor inta uusan kubadii ku celiska aheyd ka badbaadin Naby Keita oo xariiqda goosha taagnaa.

Tababare Klopp ayaa labo bedel sameeyay daqiiqadii 60aad isagoo soo geliyay Sadio Mane iyo Fabinho kuwaasoo booska kala baxay Oxlade-Chamberlain iyo Wijnaldum.

Liverpool ayaa bedelkaan ka dib cadaadis xoogan saartay Norwich iyagoo ku dhex meereysanayay xerada goolka laakiin Norwich ayay u suurtogashay inay birta u garaacaan Liverpool ka dib markii ay qaadeen kubad rogaalcelis ah daqiiqadii 73aad.

GOOL! Daqiiqadii 78aad: Liverpool ayaa ugu danbeyn hogaanka u qabatay ciyaarta, waxaana u saxiixay xiddigii kursiga keydka ka soo kacay Saido Mane kaasoo baas dheer oo uu soo qaaday Henderson lugtiisa ku koontaroolay ka hor inta uusan dabamarinin goolhaye Tim Krul.

Waa goolkiisii 12aad ee uu ka dhaliyo horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Goolkaan ayaa sidoo kale ahaa goolkii 100aad ee uu Sadio Mane ka dhaliyo kubada cagta Ingariiska isagoo 75 gool u dhaliyay Liverpool halka uu 25 gool u dhaliyay Southampton.

Goolkaas ayay Liverpool ku badisay iyagoo 25 dhibcood ku qabtay hogaanka horyaalka Premier League inkastoo Man City oo kaalinta labaad ku jirta uu kulan u harsan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here