Barcelona ayaa guul ay u baahneyd ka gaartay Getafe laakiin waxaa la socotay madax xanuun kale oo soo wajahay tababare Quique Setien madaama uu dhaawac muruqa lugta midig ah uu soo gaaray Jordi Alba.

Waxay tani la micno tahay in daaafaca bidix uu tartan u geli doono inuu taam u noqdo kulanka wareega 16ka Champions League ee Napoli iyo kulanka El Clasuco ee Real Madrid ee bilowga bisha danbe.

Barcelona waxay qaadatay caawa seddex dhibcood laakiin dhaawac kale ayaa la socday.

Xiddiga Garoonka – Lionel Messi (Barcelona)

Messi waa haatan soo martay afar kulan oo uusan gool dhalinin, iyadoo ay arintaan dadka qaarkiis u arkaan inay tahay abaar soo wajahday xiddiga reer Argentina.

Si kastaba, Messi ayaa caawiye ka ahaa lix gool afartaas kulan isagoo caawintii ugu danbeysay sameeyay kulankii caawa. Inkastoo Messi uusan gool dhalinin hadana waxa uu weli yahay wadnaha ay ku dhaqaaqdo Barcelona, Wax walba oo fiican oo ay Barca sameyso isaga ayay soo maraan.

Xiddig kale oo guusha Barcelona gacan weyn ka geystay waa goolhaye Ter Stegen kaasoo badbaadintiisa ay Barcelona u ilaalisay hogaanka ciyaarta, waxa uu sameeyay badbaadino fantastik ah iyadoo hal ay aheyd mid la aamini waayay.

Xiddigaha kale ee wacdaraha dhigay waxaa ka mid ah Firpo oo bedelay Alba qeybtii hore, Sergi Roberto iyo Antoine Griezmann.

Qiimeynta Ciyaartoyda

Barcelona – ter Stegen 8, Roberto 7, Pique 6, Umtiti, 6 Alba 3, Busquets 5, de Jong 5, Arthur 6, Messi 8, Griezmann 7, Ansu 6.

Bedel – Rakitic 5, Firpo 7, Vidal 4.

Getafe – Soria 7, Nyom 6, Djene 6, Etxeita 5, Oliviera 5, Etebo 6, Arambarri 7, Maksimovic 5, Cucurella 7, Molina 6, Mata 5.

Bedel – Angel 7, Kenedy 5, Ndiaye 5.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here