Ma aysan soo bandhigin qaab ciyaareedkii lagu yaqaanay laakiin Liverpool waxay haatan u jirtaa hanashada horyaalka kaliya 15 dhibcood. Waxay marba marka ka danbeysa ku sii dhawaanayaan hanashada koobkoodii 19aad ee horyaalka Ingariiska.

Guusha ay caawa gaareen waxay la micno tahay inay heystaan rikoodhkii ugu fiicnaa ee taariikhda horyaalada ugu waa weyn Yurub ee ka dib 26 kulan oo la ciyaaray, sidoo kale lagama badinin Reds 46 kulan oo isku xigta horyaalka.

Isbuuc walba Reds waxay dhigtaa rikoodh cusub ama waxa ay barbareysaa mid hore u taagnaa.

Xiddiga Garoonka

Sadio Mane (Liverpool). Weeraryahanka ayaa ka jawaabay codsigii tababarihiisa oo ka soo kiciyay kursiga keydka, waxaana uu soo bandhigay farsamo aad u sareysa isagoo xagal adag ka dhaliyay goolka.

Mane ayaan ciyaarin tan iyo dhaawacii soo gaaray kulankii ay 2-1 kaga badiyeen 23kii bishii Janaayo, laakiin waxa uu la soo laabtay gool isagoo dhaliyay goolkiisii 100aad ee kubada cagta Ingariiska.

XIDDIGAHA WACDARAHA DHIGAY

Trent Alexander-Arnold iyo Naby Kieta ayaa kulankaan wacdarro si gaar ah u dhigay si la mid ah Robertson iyo kabtan Henderson, laakiin waxaa xusid mudan goolhayaha Norwich City iyo daafacyada Aaron, Zimmermann iyo Hanley oo Liverpool gool u diiday ilaa iyo daqiiqadii 78aad ee ciyaarta.

QIIMEYNTA CIYAARTOYDA

NORWICH: Krul 8, Aarons 8, Zimmermann 8, Hanley 8, Byram 6, Tettey 7, McLean 7, Rupp 7, Duda 7, Cantwell 7, Pukki 6.

Bedel: Lewis 7, Buendia n/a, Drmic n/a.

LIVERPOOL: Alisson 7, Alexander-Arnold 8, Gomez 7, Van Dijk 7, Robertson 8, Henderson 8, Wijnaldum 6, Keita 8, Salah 6, Firmino 7, Oxlade-Chamberlain 6.

BedelFabinho 6, Mane 8

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here