Horyaalka Faransiiska

PSG ayaa ka soo kabsatay iyadoo seddex gool lagu hogaaminayo islamarkaana barbaro 4-4 ah ku qabatay kooxda Amiens.

Ander Herrera ayaa soo laabashada bilaabay ka hor inta uusan Nianzou Kouassi labo gool dhalinin isagoo ciyaarta ka dhigay barbaro 3-3 ah.

Mauro Icardi ayaa hogaanka u dhiibay PSG dhamaadkii ciyaarta ka hor inta aysan Amiens barbareynin iyadoo ciyaarta ay ku dhamaatay barbaro 4-4 ah.

Natiijadaan ayaa la micno ah in PSG ay hogaanka horyaalka Faransiiska ku heyso 13 dhibcood inkastoo kooxda kaalinta labaad ee Marseille uu kulan u harsan yahay.

Kulamada kale ee horyaalka Faransiiska Bordeauz iyo Dijon ayaa barbaro 2-2 ku kala baxay, halka Nantes iyo Metz ay ku heshiiyeen barbaro goolal la’aan ah.

Kooxda Nice waxay 2-0 ku dubatay Toulouse oo labo xiddig ay casaan toos ah ka qaateen. Nimes ayaa iyagfana 1-0 kaga badiyay 10 xiddig oo Angers ah.

LA LIGA

Horyaalka La Liga kooxda Barcelona ayaa ku dhibo noqotay kooxda hogaanka heysa ee Real Madrid ka dib markii ay 2-1 kaga badiyeen kooxda kaalinta seddexaad ee Getafe.

Antoine Griezmann iyo Sergi Roberto ayaa labada gool u kala dhaliyay Barcelona halka Getafe uu goolka u saxiixay Angel Rodriguez kaasoo lala xiriirinayo Barcelona.

Kulamada kale ee La Liga ee caawa la ciyaaray kooxda Mallorca ayaa ka soo baxday boosaska lagu haro ka dib markii ay 1-0 kaga badiyeen Deportivo Alaves.

Villarreal ayaa iyagana kaalinta lixaad soo galay ka dib markii ay 1-0 ku dubteen kooxda Levante. Granada iyo Real Valladolid ayaa iyagana ku heshiiyay barbaro gool iyo gool ah.

Serie A

Kooxda Atalanta ayaa sii dhuuqsatay booska kaalinta afaraad ee horyaalka Serie A ka dib markii ay 2-1 kaga badiyeen kooxda kaalinta shanaad ee AS Roma.

Atalanta oo leh 45 dhibcood waxay lix dhibcood ka sareeyaan kooxda Roma oo ay caawa ka badiyeen.

Edin Dzeko ayaa Roma hogaanka u dhiibay ka hor inta uusan Atalanta u barbareynin Jose Luis Palomino iyadoo goolka guusha uu u saxiixay Mario Pasalic.

Kulamada kale ee Serie A ee caawa la ciyaaray kooxda Lecce oo halis ugu jirta inay harto ayaa guul 2-1 ka gaartay SPAL oo ugu hooseysa horyaalka.

Genoa oo iyadana ku jirta boosaska lagu haro ayaa 3-0 kaga badisay Bologna oo labo xiddig ay casaan ka qaateen kuwaasoo ku jira kaalinta 7aad ee kala sareynta horyaalka Talyaaniga.

Bundesliga

Kooxda RB Leipzig ayaa dib u la wareegtay hogaanka horyaalka Bundesliga ka dib markii ay 3-0 kaga badiyeen kooxda Werder Bremen, waxay labo dhibcood ka sareeyaan kooxda Bayern Munich oo kaalinta labaad ku jira kuwaasoo berri la ciyaaraya FC Koln.

Borussia Monchengladbach ayaa iyagana xajistay booska kaalinta afaraad markii ay 4-1 ku dubteen kooxda Fortuna Düsseldorf, Lars Stindl ayaa dhaliyay labo ka mid ah goolasha.

Bayer Leverkusen oo kaalinta shanaad ku jirta islamarkaana Monchengladbach ka danbeysa labo dhibcood ayaa 3-2 ku garaacday kooxda Union Berlin.

Kulamada kale Augsburg iyo Freiburg ayaa ku kala baxay barbaro 1-1 ah.  Hertha BSC waxay 2-1 ku dubatay Paderborn halka Hoffienheim ay guuldarro 3-2 ah ka soo gaartay Wolfsburg.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here