Arsenal ayaa gurigeeda kusoo dhaweyneysa Newcastle United kulan ka tirsan horyaalkam waxeyna kusoo aadeysa ciyaartan xilli labada kooxood ay dhanka dhibcaha barbaro ka yahiin balse ay kaliya farqiga goolasha ku kala horreeyaan.

Gunners waxey fadhisa booska 10-aad halka Magpies-ka ay fadhiso kaalinta 12-ad, waxaana xusid mudan in labadaan kooxood aysan guuldaro la kulmin sanadkaan 2020.

Mikel Arteta wuxuu doonaya inuu tartan adag galo, kama foga kaalinta 4-aad maadaama uu 10-dhibcood kaliya u jiro, sidoo kalana kaalinta 5-aad ayaa laga soo aadi karaa koobka Champions League maadaama ganaax la duldhigay Manchester City.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Arsenal vs Newcastle United

Tartanka: Premier League

Garoonka: Emirates Stadium

Saacadda: 7:30 Fiidnimo (XGA)

Garsoore: Lee Mason (England)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Danny Rose ayaa laga yaabaa inuu markii ugu horreysay kasoo muuqdo kooxdiisa cusub, sidoo kale Valentino Lazaro ayaa booska kale kasoo muuqan kara.

Isaac Hayden iyo Nabil Bentaleb ayaa dhexda kasoo muuqan kara, waxaana suuragal ah in Allan Saint-Maximin loo adeegsado weerarka.

Mesut Ozil ayaa laga yaabaa inuu doorkiisa kusoo laabto, halka Saed Kolasinac isna uu difaacan doono booskiisa bidix.

Pablo Mari aya ku dhaw inuu markii ugu horreysay u ciyaaro Arsenal, balse Cedric Soares ayaa ku seegi doona kulanka dhaawac.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Arsenal:

Leno; Bellerin, Mustafi, Luiz, Kolasinac; Torreira, Xhaka; Pepe, Ozil, Martinelli; Aubameyang

Newcastle United:

Dubravka; Lazaro; Fernandes, Lascelles, Clark, Rose; Almiron, Hayden, Bentaleb, Saint-Maximin; Joelinton

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulanka maanta waa midkii 184-aad ee labada kooxood tartan rasmi ah ku dhexmara, Arsenal ayaa badisay 78-jeer halka Newcastle United ay guul heshay 67-jeer.

10-kii sano ee lasoo dhaafay Arsenal ayaa awood sare laheyd 18-kulan oo ay ciyaaren kaliya 2-guuldaro iyo 2-barbaro ayey ka qaadatay kooxda ay la ciyaareyso maanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here