Maurizio Sarri ayaa hoos u dhigay saadaashii Jurgen Klopp ee aheyd in Juventus ay ku guuleysan doonto Champions League xilli ciyaareedkan.

Kooxda Talyaaniga ayaa labo jeer kaliya hanatay Champions League oo kala ah sannadkii 1985 iyo sannadkii 1996.

Kooxda Juventus kuma jirto qaab ciyaareed fiican iyagoo laga badiyay labo ka mid ah seddexdii kulan ee ugu danbeysay horyaalka Serie A, waxaana hogaanka horyaalka kala wareegtay Inter Milan.

Waxay wareega 16ka Champions League ku wajahayaan kooxda Lyon, iyadoo Klopp uu sheegay in Juventus ay u aheyd kooxda ugu cadcad hanashada koobka ka hor inta uusan bilaabanin xilli ciyaareedka.

Sarri ayaan jecleysan hadalka Klopp isagoo u qaatay in kooxdiisa lagu durayo, waxaana uu saxaafada u sheegay: “Jurgen isaga ayaa qirtay inuusan daawanin kubada cagta Talyaaniga taasoo sharxeysa jahwareerkiisa.

“Jurgen waa mid ka mid ah dadka ugu caqliga badan uguna shactirada badan ee aan aqaano, waxa uu sameeyo ayaa ah inuu iska qaadayo culeyska ah inay yihiin kooxda ugu cadcad koobka Champions League.”

Sarri ayaa u fasirtay hadalka Klopp mid uu kooxdiisa Liverpool uga leexinayo cadaadiska ay leedahay in loo arko kooxda difaacaneysa koobka Champions League.

Liverpool ayaa lugta hore ee wareega 16ka Champions League waxay la ciyaareysaa kooxda Atletico Madrid oo ay ku booqanayaan garoonkii ay koobka ku qaadeen xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here