Kooxaha waa wayn ee Premier League ayaa si toos ah ugu dagaalamaya saxiixa da’yarkii hore ee Manchester City ee Jadon Sancho kaas oo la xaqiijiyay in dhamaadka xili ciyaareedkan uu ka bixi doono Borussia Dortmund.

Manchester City ayaa arkaysa da’yarkii kooxdeeda fursada ka waayay ee Jadon Sancho oo qiimo boqol miyan ah ay ku dul dhigtay kooxda Borussia Dortmund waxaana ilaa hadda si cad ugu tartamaya kooxaha Liverpool, Man United iyo Chelsea.

Laakiin xidigii hore ee Manchester United ee Dimitar Berbatov ayaa soo bandhigay sababta uu Sancho iskaga diidi karo United ee uu ku dooran karo Liverpool ama Chelsea.

Dimitar Berbatov oo hadda ah ambassador-ka Manchester United ayaa ku dooday in uu jeclaan lahaa in uu Sancho ku arko United balse taasi waxa uu ku soo koobay rajo kaliya.

Ugu horayn Dimitar Berbatov oo soo bandhiga sida uu u jeclaan in uu Jadon Sancho yimaado Old Trafford ayaa yidhi: “Waxaan jeclaan lahaa in aan isaga ku arko Old Trafford. Dabcan iyaga waxay ka dhigi kartaa kuwo ka sii awood badan”.

Dimitar Berbatov oo ka hadlaya waxa uu Sancho ku soo kordhin lahaa Man United ayaa yidhi: “Waxay iyaga siin kartaa xawaare ka badan ee wixii ay haddaba haysteen, laakiin su’aashu waxay tahay halkee ayuu ka ciyaarayaa?.United waxay haysataa Daniel James, Anthony Martial, Marcus Rashford iyo Mason Greenwood”.

Dimitar Berbatov oo Sancho ka sii hadalaya ayaa yidhi: “Jadon Sancho waxa uu ku dhawaaqay in uu doonayo in uu ka baxo Dortmund taas oo aniga layaab igu noqotay”.

Intaas kadib Berbatov ayaa ka hadlay farxada ay Sancho siinayso in ay kooxaha waa wayn ee England ku tartamayaan wuxuuna yidhi: “Ka ciyaartoy ahaan aad ayay farxad u tahay marka ay kooxo badan daba socdaan saxiixaaga. Waxay xoojinaysaa shaqsiyadaada, waxayna kuu sheegaysaa in aad wax sah ah samaynayso”.

Dimitar Berbatov ayaa muujiyay in United ay kaga hor mari karaan Liverpool iyo Chelsea saxiixa Sancho wuxuuna yidhi: ” Waxa uu saxiixiisu noqon doonaa mid aad loo arko kadib in haddaba ay wada hadalada Liverpool iyo Chelsea bilawdeen oo sidoo kale xiisaynaya”.

Dimitar Berbatov ayaa muujiyay in goobtii laga ciyaar siin lahaa Sancho haddii uu Man United ku soo biiri iyo waliba tartanka kooxaha Liverpool iyo Chelsea ay suurtogal ka dhigi karto in Sancho aanu ku soo biirin Old Trafford.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here