Tababaraha kooxda Chelsea ee Frank Lampard ayaa markii ugu horaysay ka hadlay sababihii uu ku doortay saxiixa cusub ee Hakim Ziyech kaas oo ay heshiis kala sii gaadheen kooxda Ajax.

Hakim Ziyech ayaa haddaba ah ciyaartoy Chelsea ah wuxuuna inta xili ciyaareedkan ka hadhsan ku sii qaadan doonaa kooxda Ajax isaga oo suuqa xagaaga si toos ah ugu soo wareegi doona Stamford Bridge.

Lampard ayaa cadeeyay in uu waqti dheer la socday horumarkii uu Hakim Ziyech ku soo jiray wuxuuna xaqiijiyay in kulankii Wembley Stadium ee ay Ajax iyo Tottenham wada ciyaareen uu ahaa kulanka uu sida gaarka ah u sii jeclaaday xidigan.

Waxa uu Lampard aaminsan yahay in Hakim Ziyech uu xalin doono dhibaato kooxdiisa Chelsea xili ciyaareedkan soo haysatay oo ah dhamaystirka gool dhalinta iyo waliba in uu kala furfuro difaacyada kooxaha kale.

Frank Lampard oo ka hadlaya in uu Hakim Ziyech waqti dheer soo daawaday ayaa yidhi: “Anigu in badan ayaan isaga daawanayay. Socodkii Champions League ee ay sanadkii hore soo qaateen waxaa si gaar ah aan ula dhacay markii aan kulankii Tottenham ee Wembley ku arkay”.

Tan iyo markaas isaga si dhaw ayaan ula socday. Waa muhiin in aanu dad fiican keenay oo u soconaya sida aanu doonaynayo in aanu u socono. Sidaa daraadeed, waan ku faraxsanahay in aan joogo goob aan ku sheegi karo in aan idhaahdo in uu ciyaartoygayaga noqon doono xili ciyaareedka soo socda”.

“Waxaan filayaa in uu leeyahay lug bidix oo aan caadi ahayn, waxa uu leeyahay jaleecitaan uu ku heli karo baaska” ayuu Lampard hadalkiisa raaciyay.

Lampard oo ka hadlaya waxa uu Hakim Ziyech  kooxdiisa ku soo kordhin doono ayaa yidhi: “Waxaan u arkaa ciyaratoy aan ku rajo waynahay in uu caalad wayn ku yeelan doono kooxdayada iyo Premier league. Mararka qaar xili ciyaareedkan waxaanu waynay ciyaartoy leh taabashada dhamaystir, waxaan rajaynayaa in uu taas awoodi doono”.

Hakim Ziyech ayaa soo dhamaysan doona xili ciyaareedkan wuxuuna sidaa ku yahay saxiixa kowaad ee xagaaga ku soo biiri doona Chelsea iyada oo ay jiraan xidigo kale oo ay Blues doonayso in ay la soo wareegto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here