Inkastoo uu dhawaan soo xirmay suuqa kala iibsiga bisha Janaayo hadana xanta suuqa ma ahan mid joogsata iyadoo kooxaha ugu waa weyn Yurub ay durbaba sii calaamadeysanayaan xiddigaha ay doonayaan xagaaga.

Madaama xagaagan la ciyaari doono koobka Euro 2020, waxay kooxaha doonayaan inay haatanba heshiis hordhac ah la sii gaaraan xiddigaha ay doonayaan.

Shabakada Laacib ayaa idiin soo uruurisay wararkii ugu waa weynaa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee ay maanta oo Jimce ah qoreen wargeysysyada Ingariiska.

Manchester United ayaa ogolaansho loo siiyay inay la saxiixdaan weeraryahanka Faransiiska ee kooxda Lyon Moussa Dembele oo 23 sanno jir ah iyagoo ku iibsanaya 60 milyan ginni. (Daily Star)

Laakiin Chelsea ayaan weli ka quusanin saxiixa Dembele madaama madaxweynaha Lyon Jean-Michel Aulas uu qirtay inay iska iibin doonaan ciyaartoyda dooneysa inay baxdo. (Daily Mail)

Kooxda Tottenham ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo 22 jirka daafaca Ingariiska Ben Godfrey ee kooxda Norwich City kaasoo lagu qiimeeyo 50 milyan ginni. (Daily Express)

Paris Saint-Germain ayaa mushahar 41 milyan ginni sannadkii ah u bandhigeysa xiddigeeda Kylian Mbappe si ay meesha uga saarto xiisaha Real Madrid ee 21 jirkaan. (Daily Mirror)

PSG ayaa qorsheyneysa inay xagaaga la soo wareegto goolhayaha Manchester United ee Ingariiska ah 22 jirka Dean Henderson kaasoo haatan amaah ku jooga Sheffield United. (Daily Mail)

Daaficii hore ee England Joleon Lescott ayaa uga digay xiddiga khadka dhexe ee Aston Villa Jack Grealish oo 24 sanno jir ah inuu ku biiro Manchester United xagaagan madaama ay u soo bixi karin Champions League. (London Evening Standard)

Real Madrid ayaa diyaar u ah inay 120 milyan euro ku bixiso xiddiga weerarka uga ciyaara Inter Milan ee Lautaro Martinez iyadoo lacagtaas ay tahay mida lagu burburin karo qandaraaska 22 jirkaan ee kooxda Talyaaniga. (Tyc Sports)

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here