Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa qorsheynaya inuu wadahadal la galo Moahmed Salah kadib markii lagu daray liiska ciyaartoyda qarankiisa Masar ee ka qeyb galaya tartanka olymbikada Adduunka.

Salah ayaa ka mid noqday saddexda xiddig ee loo ogol yahay iney Egypt ku daraan liiska 23-jirada ay kaga qeyb galayaan tartanka ka dhici doona magaalada Tokyo xagaagan.

Hadii xiddiga heerka caalami uu ka qeyb galo kulanka, waxey ka dhignaan doontaa inuu seegi doono ciyaaraha fasaxa ee ka hor fasal ciyaareedka 2020/2021.

Jurgen Klopp wuxuu qiray iney qiimeyn doonaan xaaladda, balse macalinka wuxuu ka dhawaajiyay iney taxadar badan sameyn doonaan.

“Wali go’aan lagama gaarin, sida aan sameyno mar walba”

“Ma waxaad dooneysaa inaan lumiyo ciyaariyahan kulamada fasaxa? maya dabcan ma doonayo”

“Waa ciyaaro olymbikada, waxaan ahay nin isboorti, waa inaan aragno sida aan ula macaamili karno”

“Waa inaan quuldareyno wax ka duwan, waxaan la hadli doonaa Salah, weyna cad yahiin waxa aan dooneyno”

“Waxaan u baahanahay macluumaad badan, qofna ilaa iyo hadda nalama soo xiriirin”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here