Chelsea ayaa lagu soo waramayaa iney isha ku heyso saddex saxiix kadib markii ay xaqiijiyeen iney dhigooda Ajax kala heshiiyeen saxiixa garabka tayada wanaagsan ee xulka Marocco Hakim Ziyech.

Labada kooxood ee Blues iyo Ajax ayaa si wadajir ah u xaqiijiyay khamiistii iney ka heshiiyeen saxiixa xiddiga heerka caalami, waxeyna imaaneysaa xilli kooxdaan laga qaaday ganaaxii ka saarnaa suuqa.

26-jirka heerka caalami ayaa usoo dhaqaaqaya Stamford Bridge marka la gaaro xagaaga soo aadan, wuxuuna kusoo gaari doonaa Premier League 33.3 Malyan oo Pound oo isugu rogi karta 36.3 Malyan oo Pound.

Heshiiskaan waxaa ku xiran inuu dhaqan galo, heshiiska shaqsiga ah ee lala gaarayo xiddiga iyo inuu ka gudbo caafimaadka.

Marka laga soo tago saxiixa xiddiga Ajax u ciyaari doonta inta ka dhiman fasalkaan, waxaa lagu soo waramayaa in Blues ay saddex xiddig kale qiimeyn ku heyso.

Wargeyska The Sun ayaa qoray in Lampard uu doonayo afka hore kooxdiisa inuu holac ka shido, wuxuuna doonayaa inuu kusoo biiro Jadon Sancho oo la fahamsan yahay inuu wacdaro ka dhigi karo yurub iyo sidoo kale Moussa Dembele oo weerarka uga ciyaara Lyon.

Waxa xiisaha leh waxey tahay in Lampard uu isha ku hayo 16-jirka dhexda uga ciyaara kooxda ka dhisan heerka labaad ee Birmingham (Jude Bellingham), wuxuuna ka mid yahay dooqyada la filayo iney yimaadaan Bridge xagaaga soo aadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here