Weeraryahanka Inter Milan Lautaro Martinez ayaa ka mid noqday xiddigaha loogu doonista badan yahay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, waxaana hadda ku dagaalamaya labada kooxood ee ugu weyn dalka Spain.

Xiddigaan wuxuu marka hore soo jiitay indhaha kooxda Barcelona oo u aragtay inuu noqon karo badalka saxda ah ee Luis Suarez oo la filayo inuu mar dhaw isaga guuro qaaradda yurub.

Balse hadda waxaa tartanka kusoo biiray Real Madrid oo raadineysa gooldhaliye heer sare ah oo dib jamaahiirta u xasuusin kara Cristiano Ronaldo inkastoo ay heystaan Benzema oo aan gool u faraqi karin sida xiddiga reer Portugal.

22-jirkaan tayada wanaagsan waa mid ka mid ah weeraryahanada ugu fiican qaaradda yurub wakhtigaan wuxuuna dhaliyay 16-gool kadib 28-kulan uu u saftay kooxdiisa dhamaan tartamada oo dhan.

Los Blancos waxey diyaar u tahay iney suuqa waji cadaawad leh ku tusto Barcelona oo ay muddo dheer ku dagaalameen tartamada maxaliga ah ee dalkooda iyo tartamada yurub.

TYC Sports oo laga leeyahay Argentina ayaa lagu sheegay in Los Blancos ay diyaar u tahay iney dagaal dheer u gasho soo xerogalinta xiddigaan heerka caalami.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here