Milan waxay ku tiirsan tahay Zlatan Ibrahimovic, Ante Rebic iyo Hakan Calhanoglu iyagoo ka horimaanaya Juventus oo wadata Cristiano Ronaldo, Paulo Dybala iyo Juan Cuadrado semif-ianlak Coppa Italia.

Lugta hore ee semif-ianlak waxay caawa ka dhaceysaa garoonka San Siro iyadoo lugta labaad lagu dheeli doono Turin 4ta bisha Maarso.

Labada kooxood ayaa u baahan inay wadada guusha ku soo laabtaan ka dib markii laga soo badiyay kulamdoodii horyaalka Serie A.

Milan waxaa 4-2 ku soo dubatay Inter halka Juventus ay guuldarro 2-1 ka soo gaartay Hellas Verona.

Tababare Stefano Pioli ayaa hal bedel ku sameeyay shaxdiisa Milan iyadoo Davide Calabria uu bedelay daafaca midig ee ganaaxa ku maqan Andrea Conti.

Juventus waxay soo safartay iyadoo ay ka maqan yihiin Douglas Costa, Federico Bernardeschi, Sami Khedria, Giorgio Cheillini iyo Merih Demiral.

SHAXDA RASMIGA AH:

Milan XI: G Donnarumma; Calabria, Kjaer, Romagnoli, Theo Hernandez; Kessie, Bennacer; Castillejo, Calhanoglu, Rebic; Ibrahimovic

Keyd: Begovic, A Donnarumma, Bonaventura, Leao, Musacchio, Paqueta, Gabbia, Saelemaekers, Laxalt, Brescianini, Maldini

Juventus XI: Buffon; De Sciglio, De Ligt, Bonucci, Alex Sandro; Ramsey, Pjanic, Matuidi; Cuadrado, Dybala, Ronaldo

Keyd: Szczesny, Pinsoglio, Danilo, Higuain, Rugani, Rabiot, Bentancur, Olivieri, Coccolo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here