Barcelona ayaa guul soo laabasho ciriir ah ka gaartay kooxda Real Betis oo marti loogu ahaa garoonka Benito Villamarin iyagoo uga badiyay 3-2 inkastoo ay Real Betis labo jeer hogaanka ciyaarta qabatay.

Labada kooxood ayaa ku dhameystay min 10 ciyaaryahan ka dib markii uu Betis casaan ka qaatay Nabil Fekir halka Barcelona uu casaan ka qaatay Lenglet.

Guusha ay Barcelona gaartay ayaa la micno ah inay soo yareeyeen farqiga hogaanka Real Madrid oo ay ka dhigeen seddex dhibcood, iyadoo Messi loo diiwaangeliyay seddexleey caawin ah.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si xamaasad leh iyadoo Real Betis ay soo bandhigtay durbadiiba inaan xilli ciyaareedkan lagu soo degdegi karin, waxay hogaanka u qabteen ciyaarta daqiiqadii 7aad markii Lenglet uu gacanta ku celiyay darbo ka soo baxday Nabil Fekeri taasoo keentay in rigoore loo dhigo Real Betis.

Sergio Canales ayaa u soo istaagay gool ku laadka kaasoo dhinac qaldan u diray goolhaye Marc ter-Stegen isagoo ciyaarta ka dhigay 1-0 oo ay Betis ku hogaamineysay.

Sergio Canales y Borja Iglesias (Betis)

Sergio Canales y Borja Iglesias (Betis)

Laakiin hogaanka Real Betis ma uusan waarin iyadoo daqiiqadii 10aad ay Barcelona dhalisay goolkii barbaraha, iyadoo kubad cajiib ah uu soo qaaday Lionel Messi uu xabadka ku koontaroolay Frenkie de Jong ka hor inta uusan dabamarinin goolhayaha Real Betis.

Waa goolkii labaad ee uu xiddiga khadka dhexe ee Netherlands uu ka dhaliyo horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

View image on Twitter

View image on Twitter

Waxaa cajiib aheyd in qeybtii hore la arkayay iyadoo De Jong iyo Vidal ay isku bedbedelayeen booska No.9 iyadoo Setien uu si qaab xiiso leh u soo safay ciyaartoydiisa.

Real Betis ayaa hogaanka ku soo laabatay daqiiqadii 22aad. Vidal ayaa kubada ku dhiibtay bartamaha garoonka, waxaana durbadiiba loo baasay Nabil Fekir kaasoo ku ceyriyay Umtiti ka hor inta uusan dabamarinin goolhaye Ter Stegen.

Waa goolkii lixaad ee Nabil Fekir uu ka dhaliyo horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan. Wuxuu shabaqa ka soo taabtay Barcelona minan iyo marti xilli ciyaareedkan.

View image on Twitter

View image on Twitter

Dhamaadkii qeybta hore gaar ahaan daqiiqadii 3aad ee waqtigii lagu daray ayay Barcelona mar kale barbareysay ciyaarta iyadoo Sergio Busquets uu shabaqa dhex dhigay laad xor ah uu soo qaaday Lionel Messi.

Betis ayaa ku dacwootay in qalad uu ka dhex dhacay xerada ganaaxa laakiin VAR ma aysan eegin, waxaana lagu kala nastay barbaro 2-2 ah.

Bilowgii qeybta labaad Lionel Messi ayaa fursad gool loo fishay ku helay xerada ganaaxa, laakiin waxaa kubadiisa oo ku sii socotay shabaqa dhinac u riixay goolhayaha oo badbaadin

Daqiiqadii 72aad ayay Barcelona heshay goolkii guusha ee seddexaad markii laad xor ah uu soo qaaday Lionel Messi uu madax ku dhaliyay daafaca Lenglet.

Lionel Messi ayaa seddexleey caawin ah sameeyay kulankii caawa isagoo ah xiddigii labaad ee tiro 10 ama ka badan oo caawin iyo goolal ah sameeya (14 gool iyo 11 caawin) shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub xilli ciyaareedkan ka dib Jadon Sancho (10 & 13).

Daqiiqadii 77aad Real Betis ayaa 10 ciyaaryahan noqotay markii casaan laga siiyay xiddigooda wacdaraha u dhigay qeybtii hore ee ciyaarta Nabil Fekir, kaasoo jaale ku qaatay qalad uu ku galay Lenglet ka dibna jaale labaad lagu siiyay inuu si xun u la hadlay garsooraha.

Labo daqiiqo ka dib xiddigii sababta u ahaa inuu casaanka qaato ee Lenglet ayaa isna casaan la siiyay markii uu jaale labaad ku qaatay qalad uu ku galay Joaquin taasoo Barcelona iyadana ka dhigtay inay 10 xiddig noqoto.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 3-2 oo ay Barcelona ku garaacday Real Betis oo ciyaar adag soo bandhigtay. Blaugrana ayaa haatan seddex dhibcood ka danbeysa kooxda hogaanka heysa ee Real Madrid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here