Ciyaartii Espanyol, waxa uu Luka Modric soo galay 20-kii daqiiqadood ee ugu dambeeyey, xilligaas oo tababare Zidane uu xiddiga reer Croatia dhegta usoo saaray halka ay tahay inuu wax ka beddelo iyo taatikada isbeddel ee lama huraanka ahayd xilligii uu imanayey.

Modric oo bisha September ee sannadkan ay da’diisu noqonayso 34 jir, wali waxa ku jirta kubbad ay adag tahay in lagu fikiro in uu gaaadhay waqtigii uu ciyaaraha kaga fadhiisan lahaa, waxaana markhaati u ah xirfadda layaabka leh ee uu kusoo bandhigo garoomada inkasta oo xili ciyaareedkii hore uu ka hooseeyey heerkiisii.

Sida uu qoray wargeyska Marca ee kasoo baxa waddanka Spain, Zinedine Zidane ayaa helay sida ugu habboon ee uu kaga faa’iidayn karayo Modric, isla markaana uu ku ilowsiin karayo dhibaatooyinkii xili ciyaareedkii hore, waxaanu ogaaday in ay adag tahay in ciyaar kasta uu kusoo bilaabo isla markaana uu 90-ka daqiiqadood dhamaysto.

Wargeysku waxa uu xusay in Zidane uu ogaaday in xirfadda Modric ay kusoo baxayso maarka nasasho badan la siiyo kulamada qaarkoodna uu bannaanka fadhiyo, qaarna beddel lagu soo geliyo ama lagu saaro, taasina ay keentay in uu lasoo noqday ciyaarihiisii lagu yaqaanay.

Sannadkii 2018 ayuu ahaa xili ciyaareedkiisii ugu wanaagsanaa waxaanu ciyaaray 1,416 daqiiqadood oo u dhigmaysay 15 ciyaarood iyo dheeraad, waxaana halkaas ka muuqata inuu nastay ciyaaro badan, taasina keentay inuu si layaab leh u ciyaaro. Xili ciyaareedkii hore oo dhaliillo badan loo jeediyey ayuu ciyaaray 2,136 daqiiqadood oo celcelis ahaan noqonaysa 24 ciyaarood, halka uu xiili ciyaareedka hadda socdana ciyaaray 720 daqiiqadood ama siddeed ciyaarood.

Soo bixitaanka Fede Valverde ayaa caawisay Modric iyo Zidane, waxaanay heleen fursad xiddiga reer Croatia uu ku nasto, sidoo kalena uu tababaruhu ku helo ciyaaryahanno firfircoon oo aanay da’du saamayn ku lahayn.

Si kastaba ha ahaatee, Modric oo 35 jir noqonaya September, ayaa waxa uu dhaafayaa waqtigii uu Zidane kaga fadhiistay ciyaaraha oo ahayd 34 sannadood iyo Andres Iniesta oo markii uu 34 jir noqday iskaga tegay Barcelona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here