Man United ayaa loo soo bandhigay fursad ay kula saxiixato weeraryahankii hore Watford Odion Ighalo xilli Ole Gunnar Solskjaer uu suuqa dhamaadka ah ka raadinayo weeraryahan uu ku moodo wakhtiga uu dhaawacan yahay Marcus Rashford.

Xiddiga reer Nigeria waa 30-jir, wuxuuna hadda ka ciyaaraa horyaalka China, gaar ahaan kooxda Shanghai Shenhua, balse wuxuu doonayaa inuu mar kale kusoo laabto yurub, waxaana xusid mudan inuu wakhti guuleystay ku qaatay bariga fog.

Horyaalka China ayaa dib loo dhigay kadib Fayriska ka dilaacay ee loogu yeeray (coronavirus), Ighalo ayaana la fahamsan yahay inuu maanta usoo duulay yurub si uu koox qaadata uga raadiyo ilaa habeen dambe.

Ighalo wuxuu sanadkii hore iska diiday Barcelona oo dooneysay inuu u noqdo dooqa labaad, balse hadda diyaar ayuu u yahay hadii ay Red Devils u yeerto.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa u baahan weeraryahan uu wakhti yar ku moodo maadaama uu ka dhaawacan yahay Marcus Rashford, sidoo kalana uu amaah kaga maqan yahay Alexis Sanchez.

Ighalo wuxuu ka tagay Watford 2017, adduun dhan 20 Malyan oo Pound ayuuna ku tagay kooxda Changchun Yatai, balse sanadkii lasoo dhaafay ayuu u wareegay Shanghai Shenhua.

Dhanka kale waxaa jira warar Red Devils la xiriirinaya Islam Slimani kaas oo doonaya inuu soo yareeyo amaahda uu ku joogo Monaco si uu ugu soo laabto Premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here