(London) 30 Jan 2020. Waxaa la shaaciyey xilliga la dheeli doono kulanka kama dambeysta ah ee League Cup-ka kaasoo dhexmari doona Kooxaha Aston Villa iyo Manchester City.

Aston Villa ayaa habeen hore 2-1 ka soo adkaatay naadiga Leicester City lugta labaad ee afar dhammaadka tartankan, waxaana ay sidaas ugu soo gudbeen final-ka League Cup-ka cel-celis ahaan goolal gaaraya 3-2.

Dhinaca kale kooxda Manchester City ayaa xalay ka soo gudubtay Manchester United, inkastoo gurigooda kulankii lugta labaad ee afar dhammaadka League Cup-ka looga badiyey 1-0.

Kooxda uu hoggaamiyo Pep Guardiola ayaa iska xaadirisay final-ka League Cup-ka kaddib markii ay Man United uga soo gudbeen cel-celis ahaan goolal gaaraya 3-2.

Haddaba waxaa la shaaciyey in kulanka Final-ka Koobka magacyada badan ee League Cup-ka la ciyaari doono 01 bisha Maarso sanadkan 2020, waxaana lagu ciyaari doonaa garoonka Wembley.

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here