Arsenal ayaa heshiis amaah ah kula wareegtay daafaca reer Spain Pablo Mari, wuxuuna koxda ku sugnaan doonaa ilaa laga gaaro dhamaadka fasalkaan.

26-jirkaan heerka caalami ayaa kaga soo wareegay kooxda Flamengo ee dalka Brazil, wuxuuna ka caawiyay kooxdiisa iney ku guuleysato horyaalka Brazil iyo sidoo kale Copa Libertadores, waxeyna soo gaareen final-ka koobka FIFA Club World Cup.

22-kulan ayuu kooxdaan kasoo muuqday tan iyo markii uu sanadkii hore kaga soo biiray Man City, halakaas uu ku sugnaa ila 2016, wa daafac lugta bidix ku xamaasha kaas oo mudadisa garoonka Etihad Stadium aan fursad u helin kooxda koowaad balse amaah ku qaatay kooxaha Girona, NAC Breda iyo Deportivo La Coruna.

Si kastaba xiddigaan wuxuu kooxdaan kula joogi doonaa heshiis lix bilood amaah ah, waxaana fursad loo siiyay iney xagaaga la wareegi karaan hadii ay ka helan.

Agaasimaha ciyaaraha Arsenal (Edu) ayaa shaaca ka qaaday in xiddiga uu yahy mid khibrad leh, sidoo kalana tayo badan kusoo kordhin doona daafaca Gunners, wuxuuna ka dhawaajiyay iney wakhti badan ku bixiyeen indha-indheyntiisa.

Sidoo kale wuxuu sheegay iney aad ugu faraxsan yahiin iney arintiisa kala heshiiyaan kooxdiisa Flamengo ayna sugi doonaan sida uu xiddigaan wakhtiga ugu huro maaliyadda Gunners.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here