Premier League mise La Liga – horyaalkee dunida ugu fiican?

Taageerayaasha kubada cagta ayaa inta badan ku kala qeybsan su’aashaan; Spain waxaa jooga ciyaartoy aad u tayo sareysa oo uu ka mid yahay Lionel Messi oo horyaalka heer kale u qaaday.

Sidaasi oo ay tahay kubada cagta Ingariiska waxay isku amaantaa xamaasada iyo tartanka joogta ah ee kooxaha u dhaxeeya.

Taariikhiyan, 20ka kooxood ee Premier League waxay ahaayeen kuwa kooxba kooxda kale ay garaaci karto, waxaana horyaalka ku tartami jiray dhowr kooxood.

Laakiin taasi isbedel ayaa ku yimid labadii xilli ciyaareed ee ugu danbeysay, xilli ciyaareedkan Liverpool ayaa horyaalka la ordeysa iyagoo dhibco badan ka sareeta seddexda kooxood ee ka hooseeya.

Dhanka kale, La Liga waxaa tartan xoogan ku jira mar walba Barcelona iyo Real Madrid iyadoo marmar dhif ah ay ku soo biirto Atletico Madrid.

Marka laga hadlayo awooda xiddigaha, waa ay adag tahay in lala kala doorto labada horyaal, laakiin bogga suuqa kala iibsiga ee Transfermarkt ayaa soo bandhigay shaxda xiddigaha ugu qaalisan La Liga iyo shaxda xiddigaha ugu qaalisan Premier League.

Lacagta ma ahan midii laga soo bixiyay ciyaartoydaan, laakiin waa lacagta lagu qiimeynayo waqti xaadirkaan.

La Liga:

Goolhaye: Jan Oblak (90 milyan euro)

Daafacyada: Jordi Alba (45m), Varane (72m), Gimenez (63m), Carvajal (45m)

Khadadka dhexe: De Jong ( 81m), Niguez (81)

Kubadsameeyayaasha: Eden Hazard (108m), Joao Felix (90m), Lionel Messi (126m)

Gooldhaliye: Antoine Griezmann (108m)

Premier League:

Goolhaye: Alisson (81m)

Daafacyada: Robertson (72m), Laporte (67.5m), Van Dijk (90m), Alexander-Arnold (99m)

Khadadka Dhexe: Kante (90m), Pogba (90m)

Kubadsameeyayaasha: Sterling (144m), De Bruyne (135m), Salah (135m)

Gooldhaliye: Harry Kane (135m)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here