Marcus Rashford oo dhawaan dhaawac xun uu soo gaaray ayaa jamaahiirta kooxdiisa iyo qaranka England ku farxad galiyay fariin uu soo dhigay baraha bulshada xilli Ole Gunnar Solskjaer uu qiray in laga yaabo inuusan inta ka dhiman fasalkaan ciyaarin.

Rashford ayaa isagoo dhibaato qaba soo galay kulan ay kooxdiisa FA Cup-ka la ciyaareyso Wolves, kaliya 16-daqiiqo ayuu ciyaaray ka hor inta uusan dhaawac dhabarka ah soo gaarin.

Wararka ay baahiyeen warbaahinta Ingiriiska ayaa qiraya in xiddigaan saddexda bilood ee soo aadan inuusan ciyaari karin, waxaana xulka England soo wajahay walwal ku saabsan inuu taam buuxa u noqon waayo koobka qaramada yurub.

22-jirkaan ayaa dhaliyay 19-gool 31-kulan uu kooxdiisa kasoo muuqday dhamaan tartamada oo dhan, wuxuuna door fiican ku yeeshay in qaranka England uu usoo baxo koobka Euro2020.

“Mahadsanidiin, waan soo laaban doonaa ka hor inta uusan dhamaan fasalka, waxaana rajo ka qabaa inaan kooxda ka saacido iney booska 4-aad hantiso” ayuu kusoo qoray twitter-ka isagoo ka jawaabaya fariin lagu soo qoray bogga rasmiga ah ee ay twitter-ka ku leeyahiin Premier League.

Fariinta lagu soo qoray bogga Premier League ayaa u dhigneyd – “Dhaqso kusoo kabo Marcus”.

Si kastaba Red Devils waxey sugi doontaa sida uu dhaawaca gaaray uga soo kabto Rashford xilli ay horay uga maqnaayeen Scott McTominay & Paul Pogba oo ka mid ah xiddigaha ugu miisaanka culus kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here