Suuqa iibka ciyaartoyga ee waqtiga jiilaalka ayaa dhamaad kusoo socda, waxaana kooxuhu ay haystaan wax ka yar laba toddobaaad oo ay kula soo saxeexan karaan ciyaaryahannada ay isha ku hayaan si ay iskugu xoojiyaan.

Kooxaha waaweyn oo Yurub oo intooda badan ku hawlan soo xerogelinta ciyaartooyo u buuxiya boosaska kuwa ka dhaawacmay, iyo kuwo kale oo doonaya inay lasii saxeexdaan xiddigo mustaqbalka waxweyn u tari kara balse ay kasii hortegayaan ka hor inta aanu qiimahoodu cirka isku shareerin.

Haddaba waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa hadal-haynta iyo xanta suuqa ee maanta oo Arbaco ah ay qoreen wargeysyada dunidu.

RASMI: Daafaca midig ee Real Madrid Alvaro Odriozola ayaa heshiis amaah ah ugu biiray kooxda Jarmalka ee Bayern Munich, laakiin heshiiska amaahda ayaa isku bedeli doona mid joogta ah xagaaga.

Kooxda David Beckham ee horyaalka Mareykanka ee Inter Miami ayaa xiriir la sameysay wakiilada weeraryahanka Manchester City Sergio Aguero oo 31 sanno jir ah iyo xiddiga khadka dhexe ee Spain David Silva 34 jir ah kaasoo City ka tagaya xagaaga. (The Sun)

Manchester United ayaa la saxiixan karta xiddiga khadka dhexe ee Portugal Bruno Fernandes dhamaadka isbuucaan iyagoo bixinaya 55 milyan ginni ka dib markii horumar laga sameeyay wadahadaladii ay kula jireen kooxda Sporting Lisbon. (Daily Mirror)

Fernandes ayaa iska dhegotiray taageerayaasha Sporting halka uu iska riixay kaamirada TV-ga ka dib markii ay guuldarro ka soo gaartay kooxda Braga Talaadadii taasoo noqon karta kulankiisii ugu danbeeyay ee kooxda. (Daily Star)

Tottenham ayaa dalab ka gudbisay 20 jirka khadka dhexe ee kooxda Lille Boubakary Soumare iyagoo tartanka saxiixiisa kula biiraya kooxaha Chelsea iyo Manchester United. (L’Equipe)

Xiddiga diirada u saarnaa Man United ee kooxda Aston Villa Jack Grealish oo 24 sanno jir ah ayaa u sheegay kooxda inuusan bixin doonin bishaan Janaayo islamarkaana uu diirada saarayo sidii uu kooxda ugu sii heyn lahaa Premier League. (Daily Mirror)

Manchester United ayaa 30 milyan ginni ku dalbatay xiddiga khadka dhexe ee Ingariiska ee u dheela kooxda Birmingham City ee 16 jirka Jude Bellingham. (The Sun)

Shirkadaha qamaarka ayaa xayiray sharadkii lagu dhigaayay in xiddiga Real Madrid Gareth Bale oo 30 sanno jir ah uu ku laabanayo Tottenham. Iyagoo aaminsan inay taasi dhici doonto. (Daily Mail)

Tababaraha Barcelona Quique Setien ayaa sheegay in kooxda ay raadineyso bedelka xiddiga dhaawacan ee Luis Suarez bishaan Janaayo. (Sport)

Barcelona ayaa u aragta weeraryahanka reer Spain Rodrigo Moreno xiddig ay la soo wareegi karaan laakiin Valencia ayaa 60 milyan euro duldhigtay 28 jirkaan. (Marca)

Newcastle ayaa ka fiirsaneysa inay amaah kula soo wareegto 29 jirka daafaca bidix ee Tottenham iyo England Danny Rose. (Telegraph)

Barcelona ayaa lala xiriiriyay Pierre-Emerick Aubameyang laakiin inuu ka tago Arsenal ka hor inta uusan dhamaanin qandaraaskiisa 2021 waxay ka dhigan tahay inuu waayi doono lacag abaalmarin ah oo ku jirta qandaraaskiisa oo gaareysa 15.15 milyan ginni. (Daily Star)

Xiddiga garabka ka ciyaara ee Manchester United Tahith Chong oo 20 sano jir ah ayaa qandaraaskiisa uu dhacayaa xagaaga, wuxuuna wadahadalo la yeeshay Inter Milan halka ay Barcelona iyo Juventus xiiseynayaa xiddiga ku jira juunyeerka xulka Netherlands. (Daily Mail)

Bilyaneerka Mareykanka Dan Friedkin ayaa ka degay magaalada Milan isagoo dhameystiraya iibsashada kooxda Serie A ka dhisan ee AS Roma, (Corriere dello Sport)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here