Waxaa mar loo arkayay bedelka Ashley Cole ee xulka England laakiin waayaha ciyaareed ee Luke Shaw ma uusan noqonin sidii la filayay.

Shaw ayaa masraxa soo koray ka dib markii uu wacdarro u dhigay Southampton taasoo keentay inuu lacag qaali ah ugu wareego Manchester United.

Shaw (rmidig) Andreas iyo Joel Pereira

Si kastaba, bilowgii waayihiisa ciyaareed ee Old Trafford, daafaca bidix ayaa ka jabay lugta, tan iyo markaasna waxaa hoos u dhacay qaab ciyaareedkiisa.

Tan iyo markii uu lugta ka jabay, Shaw waxaa jahwareeriyay dhaawacyo isagoo lagu eedeeyay inuu cayilay mudadii uu soo kabsanayay.

Si kastaba, waxa uu helay hiwaayad uu noloshiisa ku madadaaliyo mudadii uu dhaawaca ahaa.

Nin ay isla ciyaaraan ciyaar gacmeedyada oo akoonkiisa Twitter uu yahay @MikeLUHGv3 ayaa banaanka soo dhigay inta daqiiqo ee uu Shaw ciyaaro ciyaar gacmeedyada ‘Call of Duty: Modern Warfare’ iyo ‘Fortnite’ taasoo aad uga badan inta uu u dheelo Manchester United.

Tan iyo sannadkii 2016, Luke Shaw ayaa ciyaaray 74,800 daqiiqadood ciyaar gacmeedka ‘Call of Duty’ taasoo u dhiganta inuu ciyaar gacmeedka dheelayay in ka badan 51 maalmood.

Hadaba taas u barbardhig mudada uu u dheelay Manchester United waqtigaas, tan iyo 2016 waxa uu Luke Shaw u ciyaaray Man United 9.389 daqiiqadood.

Waxaa intaas sii dheer in ninkaan uu soo jeediyay in Shaw uu mar walba dhaawac ahaa mar kasta oo ciyaar gacmeed cusub la soo bandhigo isagoo ku eedeeyay daafaca bidix ee Man United inuu qof siiyay 700 ginni si sarre loogu qaado qiimeyntiisa ciyaarta.

Waxay u muuqataa in Shaw uu u baaha yahay inuu diirada saaro fayow qabkiisa iyo waayihiisa ciyaareed bedelkii uu ku mashquuli lahaa ciyaar gacmeedyada.

Madaama uu haatan soo baxay Brandon Williams, Shaw waxa uu halis ugu jiraa inuu waayo booskiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here