Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa dhisaneysa xero tababar oo cusub, waxeyna ka guurayaan xerada hadda ee Melwood marka la gaaro xagaaga soo aadan,

Kooxda halka gacan ku heysata horyaalka Premier League ayaa adduun dhan 50 Malyan oo Pound ku bixineysa dhismaha xerada laga dhisayo Kirkby, waana mid ka mid ah hormarinta ay maamulka kooxda smeynayaan.

Linda Pizzuti oo ah xaaska madaxa ugu sarreeya kooxda Fenway Sports Group (John Henry) ayaa barteeda Instagram-ka kula wadaagtay jamaahiirta Reds sida uu u socdo dhismaha laga wado xerada tababarka.

“Waxaan bilo yar u jirnaa inaan dhameystirno xarun tababar oo cusub halkaan oo ah Liverpool, waana meel aan caadi aheyn” ayey tiri iyadoo kasoo muuqaneysa muuqaal ay baraha bulshada soo dhigtay.

“Waxaan idin tusayaa gudaha” ayey sidoo kale hadalkeeda raacisay ka hor inta aysan jamaahiirta tusin muuqaalka xerada tababarka la dhisayo oo waliba leh meel ay ku tababaran doonaan da’yarta kooxda.

Waxeyna noqoneysaa markii ugu horreysay oo ay da’yarta Liverpool iyo ciyaartoyda waaweyn ee kooxda isla isticmaali doonaan hal xero oo tababar.

SAWIRADA XARUNTA CUSUB:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here