Mohamed Salah iyo Dejan Lovren waxaa ka dhaxeysa saaxiibtinimo aad u weyn, waxayna inta badan barasha bulshada soo dhigaan qoraal iyo sawirro qosol leh oo ay isku dhaafsadeen WhatsApp.

Mar kale ayay sidaas sameeyeen shalay oo Axad aheyd ka dib markii ay Reds 2-0 kaga badisay Manchester United.

Salah ayaa waqtigii dhimashada xaqiijiyay seddexda dhibcood iyadoo Reds ay ku sii dhawaaneyso hanashada horyaalka Premier League.

Xiddiga reer Masar ayaa goolkiisa ugu dabaaldegay isagoo iska bixiyay maaliyada islamarkaana soo bandhigay jirkiisa oo aad u dhisan.

Lovren ayaa Instagram soo dhigay sawir uu ka qaaday wadahadal WhatsApp ku dhexmaray isaga iyo Salah ciyaarta ka dib.

Salah ayaa u diray Lovren sawirka uu xabadka qaawan yahay ee uu dabaaldegayay, laakiin Lovren ayaa durbadiiba weydiiyay: “Maxaad rabtaa inaad tiraahdo? iyadoo Salah uu u qoray: “Waxba kaliya waan kugu soo qalday”

Lovren ayaa sawirka uu soo geliyay Instagram wuxuu soo raaciyay qoraal: “Muxuu doonayay inuu yiraahdo qoraaga. Inuu xoogan yahay? In cadiinta ay ku yar tahay jirkiisa? Inuu Murqo leeyahay? Goolkiisa? Waxba ma ahan madaama uu qalad iigu soo diray’. Shaqo wacan ayaad qabateen maanta.”

p1dv1qkcm21k7s124788i801o59a.jpg

p1dv1qkcm21k7s124788i801o59a.jpg

Ma ahan markii ugu horeysay ee uu Salah qaab dhismeedka jirkiisa ugu faano Lovren.

Bishii September xiddiga reer Croatia ayaa bartiisa Instagram soo dhigay Salah oo mar kale tusaya qaab dhismeedka jirkiisa islamarkaana sheeganaya inuu ku soo qalday.

Lovren ayaa ugu jawaab celiyayt: “Neefta ayaad isku dhejisay, waxaadna maroojisay murqahaaga sidaasi darteed boqolkiiba 100 waad ogeyd in sawir qaadaha uu banaanka joogo.

“Ceeb dushaada ha ahaato… waa qabow banaanka.”

p1dv1qlham3m41pnt51pc0fk6dc.jpg

p1dv1qlham3m41pnt51pc0fk6dc.jpg

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here