Manchester United ayaa la sheegay inay dib uga istaagtay saxeexa laacibka khadka dhexe uga ciyaara Sporting Lisbon ee Bruno Fernandes, kaas oo la sheegayey in ay heshiis shaqsi ah la gaadhay.

Kubbad-sameeyaha reer Portugal oo tababare Solskjaer uu u arkayey xalliyaha dhibaatooyinka khadka dhexe ka haysta kooxdiisa, ayaa waxa heshiiskiisii ka hor timid qabad aanay United diyaar u ahayn inay waqtigan u badheedho, taas oo ka timid dhinaca Sporting Lisbon.

Kooxda reer Portugal ee Sporting ayaa la sheegay inay weydiisatay Manchester United lacag dhan 80 milyan oo Euro oo ay ku xidhay heshiiska 26 jirkan, taasina keentay in kooxda reer England ay joojiso wada-hadalladii la filayey in muddada kooban lagu soo afjaro.

Manchester United waxay hadda diiradda saaraysaa laacib kale oo qiimo ahaan ka jaban, isla markaana dhinaca tayada isaga la mid ah amaba ka wanaagsan, laakiin lama sheegin kuwa ay noqon karayaan ciyaartoyga indhaha United soo jiitay.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer iyo ku-xigeenkiisa Mike Phelan ayaa daawaday ciyaartii FC Porto iyo Sporting Lisbon ee January 5, waxaanay qiimayn iyo gorfeyn badan ku sameeyeen hannaanka ciyaareed, khibrad iyo tayo ee uu ugu ciyaari karayo Manchester United, hase yeeshee wax kasta oo usoo baxay waxa daadka raaciyey qiimaha waallida ah ee ay Sporting Lisbon ku xidhay heshiiskiisa, taas oo sababtay in Manchester United ay dib uga istaagto.

Wargeyska The Sun ayaa sheegaya haatan in heshiiska uu qarka u saaran yahay inuu burburo madaama Man United aysan awoodin lacagta ay sheeganeyso Sporting Lisbon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here