Majalada weyn ee dalka Faransiiska ee France Football ayaa shaacisay in Arsenal ay heshiis shaqsi ah la gaartay daafaca bidix ee kooxda Paris Saint-Germain Layvin Kurzawa.

Sida France Football ay sheegtay, 27 jirkaan ayaa ogolaaday inuu qandaraas shan sannadood ah u saxiixo kooxda ka dhisan horyaalka Premier League ee Arsenal.

Arsenal ayaa xiddigaan kula soo wareegeysa si bilaash ah ama lacag la’aan ah bisha July ama dhamaadka bisha Juun marka uu dhamaado qandaraaska uu haatan kula jiro kooxda Paris Saint-Germain.

Weli la saxiixin heshiiska hordhaca ah madaama uusan ciyaaryahan weli dhameystirin qeybo ka mid ah heshiiska uu la galayo Gunners.

Waxyaabaha ilaa iyo haatan la isla ogolaaday waxaa ka mid ah mudada qandaraaska, mushaharkiisa laakiin waxaa weli harsan in la isla ogaado lacagaha abaalmarinta ee ku xirnaan doona qaab ciyaareedkiisa.

Haddii ay Arsenal dhameystirto saxiixa Layvin Kurzawa waxay ku dhigan tahay in xagaaga ay heli doonaan labo daafac, William Saliba oo uga soo laaban doona Saint-Ettiene oo amaah uu kula sii joogay iyo daafacaan bidix ee 27 sanno jirka ah.

Arsenal ayaase haatan suuqa ugu jirta inay hesho daafac dhexe madaama Calum Chambers uu xilli ciyaareedkiisa soo dhamaaday ka dib dhaawac halis ahaa oo soo gaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here