Tababaraha kooxda Manchester City ayaa dareen isku dhaf ah ka bixiyay kulankii cajiibka ahaa ee ay kooxdiisa City babraraha Etihad Stadium kula gashay Crystal Palace.

Waxa uu Guardiola noqday tababarihii shanaad ee Manchester City soo maray ee guulaysan kari waayay maalin ay u dabaal degayeen xuska sanad guurada dhalashadooda waxaana jiray afar tababare oo hore arintan ugu soo fashimay.

Pep Guardiola ayaa kooxda Crystal Palace ku eedeeyay in ayna waxba ciyaarin balse ay hal dhibic ka heleen natiijada ciyaarta taas oo uu ku tilmaamay waxa ay tahay kubbada cagtu.

Tababare Guardiola oo warbaahinta la hadlay kadib barbarihii Crystal Palace ayaa yidhi: “Waxaanu u ciyaarnay si la mid ah qaabkii Aston Villa iyada oo Benjamin Mendy uu difaaca bidix weerarka ka soo ciyaarayay iyo ciyaartoyda dhexda. Waanu dhibtoonay tobankii daqiiqo ee ugu horeeyay qaybtii labaad”.

“Laakiin kadib wax walba waanu samaynay. Palace wax badan may samayn lakaiin dhibic ayay heleen. Wax walba waanu isku daynay. Xamaasadu halkaas ayay ahayd, waanu isku daynay, oo aanu isku daynay”. ayuu Guardiola hadalkiisa raaciyay.

Guardiola oo ka hadlaya in ay markale dhibco lumiyeen ayaa yidhi: “Waanu soo laabanay isla markaana dhibco ayaanu luminay, laakiin waa kubbada cagta”.

Laakiin Fernandinho ayaa sabab u noqday in Guardiola ay ka xumaatay xafladayntii sanad guurada dhalashadiisa ee 49 aad kadib markuu daqiiqadii 90 aad iska dhaliyay goolka ay Crystal Palace markeeda ku soo laabtay.

Waxay tani la micno tahay in aanu jirin tababare Man City soo maray oo farxad ugu dabaal degay maalinta dhalashadiisa iyada oo Guardiola uu noqday tababarihii shanaad ee maalin dhalashadiisa ah hogaamiyay Man City ee guulaysan kari waayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here