Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa ku dhawaaqay liiska ciyaartoyda kooxdiisa ee kulanka adag ee Sevilla waxayna jamaahiirta Madrid heleen war aad uga farxiyay.

Jamaahiirta Real Madrid ee ka walwalsanaa dhaawacyadii xidigaha kooxdooda qaar ku maqnaayeen ayaa liiska uu Zidane magacaabay ku arkay Karim Benzema oo ka soo laabtay dhaawicii uu ku seegay koobka Spanish Super Cup.

Karim Benzema oo ahaa xili ciyaareedkan xidiga ugu saamaynta badnaa gool dhaliyaasha Madrid ayaa ka soo kabsaday dhaawicii uu la maqnaa wuxuuna qayb ka yahay liiska ciyaartoyda uu Zidane u soo doortay kulanka Sevilla.

Luka Jovic oo isna ay jugi ku soo gaadhay kulankii finalkii Spanish Super Cup ayaa soo kabsaday wuxuuna ku soo baxay liiska Madrid ee kulanka Sevilla.

Laakiin xidigii geesiga Real Madrid ahaa ee kulankii finalkii Spanish Super Cupka ee Valverde  ayaa ganaax ku seegaya kulanka Sevilla kadib kaadhkii casaanka ahaa ee uu Madrid ku badbaadiyay kulankii Atletico.

Waxaa Real Madrid ka sii maqnaan doona Gareth Bale iyo Marco Asensio kuwaas oo xaalado kala duwan ku maqnaa waqtiyadii la soo dhaafay.

Liiska Ciyaartoyda Real Madrid Ee Kulanka Sevilla:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here