Khabiirka Sky Sports Charlie Nicholas ayaa saadaaliyay kulamada isbuuca 23aad ee horyaalka Premier League ee la ciyaarayo Sabtida iyo Axada iyadoo kulanka ugu weyn ee isbuucaan uu Axada ka dhacayo garoonka Anfield.

Liverpool ayaa soo dhaweyn doonta kooxda ay sida weyn u xafiiltamaan ee Manchester United kuwaasoo ah kooxda kaliya ee dhibco ka reebtay Liverpool xilli ciyaareedkan ka dib markii ay barbaro ku galeen garoonka Old Tarfford.

Laakiin Charlie Nicholas ayaa aaminsan in kulanka Axada uu ka duwanaan doono kulankii Tiyaatarka Riyada isagoo saadaaliyay in Liverpool ay 3-0 ku xasuuqi doonto Man United.

Kooxda kaalinta labaad ee Manchester City waxay iyagana isbuucaan Etihad Stadium ku soo dhaweyn doonaan kooxda Crystal Palace iyadoo Charlie Nicholas uu saadaaliyay in kooxda Pep Guardiola ay 4-0 ku badin doonto.

Kooxda kaalinta seddexaad ee Leicester City waxay marti u noqon doontaa Burnley, wuxuuna Charlie Nicholas saadaaliyay inay ciyaartaas ku dhamaan doonto barbaro 1-1 ah.

Chelsea waxay marti u tahay isbuucaan Newcastle United iyadoo Charlie Nicholas uu saadaaliyay in Blues ay 3-1 ku xaaqi doonto Newcastel.

Arsenal ayaa iyagana Emirates Stadium ku soo dhaweyn doonta Sheffield United iyadoo Charlie Nicholas uu saadaaliyay in kooxdiisa hore ee Gunners inay ku badin doonto 3-1.

Saadaasha Charlie Nicholas:

Newcastle United 1-3 Chelsea

Burnley 1-1 Leicester City

Watford 2-1 Tottenham

Arsenal 3-1 Sheffield United

Brighton 2-1 Aston Villa

Liverpool 3-0 Man United

Manchester City 4-0 Crystal Palace

Norwich City 3-3 Bournemouth

Southampton 1-1 Wolves

West Ham United 2-1 Everton

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here