Marcus Rashford ayaa la filayaa inuu seego kulanka ay Manchester United u safreyso Liverpool Axada.

Weeraryahanka Ingariiska oo 22 sanno jir ah aaya dhaawac uga baxay kulankii Wolves ee Habeenkii Arbacada.

Ma jiro ciyaaryahan da’diisa ka yar tahay 23 sanno oo dhaliyay goolasha uu dhaliyay Marcus Rashford xilli ciyaareedkan horyaalka ee 14 gool shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub.

Laakiin Ole Gunnar Solskjaer ayaa ku aamini doona kulanka Liverpool in weerarka uu hogaamiyo 17 jirka Mason Greenwood.

Greenwood ayaa sagaal gool u dhaliyay Manchester United xilli ciyaareedkan, waxayna haatan u muuqataa in loo xilsaari doono inuu soo gabagabeeyo rikoodhka guuldarro la’aanta ee Liverpool.

Greenwood waxay u badan tahay inuu weerarka ka garab dheeli doono Anthony Martial iyo Daniel James.

Juan Mata oo ciyaaray kulankii Norwich City ee isbuucii hore islamarkaana goolka guusha dhaliyay kulankii Wolves, Andreas Pereira iyo Jesse Lingard ayaa ku tartami doona booska No.10

Pogba iyo Scott McTominay ayaa dhaawac ku maqan taasoo la micno ah in Nemanja Matic iyo Fred inay mar kale khadka dhexe ku soo bilaaban doonaan.

Afarta daafac danbe waa Aaron Wan-Bissaka, Victor Lindelof, Harry Maguire iyo Brandon Williams iyadoo David de Gea uu ku soo laabanayo goolka.

Luke Shaw oo dhaawacmay ka hor kulankii Norwich islamarkaana seegay kulankii Wolves ayaa tartan ugu jira inuu ku soo noqdo safka kooxda inkastoo Williams uu wacdarro dhigayay kulamadii ugu danbeysay.

 This is how SunSport reckons Manchester United could line up against Liverpool

 This is how SunSport reckons Manchester United could line up against Liverpool

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here