(Madrid) 17 Jan 2020. Macalinka kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa ka soo hor muuqday shir jaraa’id maanta oo Jimco ah khaor kulanka habeen dmabe ay wajahayaan naadiga Sevilla.

Los Blancos ayaa isku diyaarineysa kulanka adag ay habeen dambe ku soo dhaweyn doonaan kooxda Sevilla garoonka Santiago Bernabeu, si ay u wada ciyaaraan ciyaar ka tirsan kulamada 20-aad ee horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Zidane ayaa wuxuu kaga hadlay shirkiisa jaraa’id arrinta ku saabsan shaqo ka ceyrinta ay kooxda Barcelona ku sameysay tabbare Ernesto Valverde iyo magacaabista Quique Setién.

Zinedine Zidane ayaa wuxuu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay:

“Waan ka xumahay waxa ku dhacay Valverde, wuxuu ahaa macalin aad u fiican, aad ayaan u ixtiraamaa isaga, laakiin koox kasta waxay leedahay ujeedooyin gaar ee kubadda cagta ah, waxaan la kulmi karaa isla dhibaatadaas, sidaas darteed waxaan isku dayayaa inaan soo bandhigo 100%”.

Intaas kaddib Zinedine Zidane ayaa wuxuu ka hadlay magacaabista macalinka cuub ee kooxda Barcelona ee Quique Setién wuxuuna yiri:

Image result for Zidane valverde and Quique Setién

“Joogi taankiisa Barcelona waxay u tartami doontaa si adag, sida ay xaaladu aheyd”.

Dhanka kale, Barcelona ayaa kulankeeda ugu horreya la ciyaari doonta iyadoo uu hoggaaminayo macalinkeeda cusub ee Quique Setién, kooxda Granada habeena Axada, wuxuuna kulankan ka dhici doonaa garoonka Camp Nou.

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here