Seddexda weeraryahan ee Liverpool waxa ay muran la’aan ka mid yihiin weeraryahanada ugu fiican dunida waqti xaadirkaan.

Malaha seddexda xiddig ee iska garab ciyaartay ee ka fiican waa kuwii soo maray Barcelona ee MSN ee Lionel Messi, Luis Suarez iyo Neymar.

Si kastaba, inkastoo Liverpool ay ku socoto inay rikoodh ku qaado Premier League, xiddigaheeda afka hore ee Salah, Mane iyo Firmino goolal uma dhalinayaan sidii xilli ciyaareedyadii la soo dhaafay.

Liverpool waxay ku badineysay goolal tiro yar xilli ciyaareedkan taasoo la micno ah in seddexda weeraryahan aysan dhalinin goolal badan.

Xaqiiqdiina seddexda weeraryahan ee Manchester United ee kala ah Marcus Rashford, Anthony Martial iyo Mason Greenwood ayaa ka goolal badan kuwa Liverpool xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan.

Salah (14), Mane (15) iyo Firmino (9) waxay wadar ahaan Liverpool u dhaliyeen tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan 38 gool.

Halka Rashford (19), Martial (11) iyo Greenwood (9) ay wadar ahaan Man United u dhaliyeen 39 gool inkastoo khad dhexe oo daciif ah uu ka danbeeyo.

Dabcan muhiimada goolasha Salah, Mane iyo Firmino ayaa ka weyn kuwa ay dhaliyeen xiddigaha Man United.

Liverpool waxay 14 dhibcood ku hogaamineysaa miiska kala sareynta horyaalka Premier League, waxay u soo gudbeen wareega 16ka Champions League oo ay la ciyaarayaan Atletico Madrid.

Labadii gool ee Firmino uu ka dhaliyay labadii kulan ee Qatar waxay ku qaadeen koobka Club World Cup.

Si kastaba, shaki kuma jiro in seddexda weeraryahan ee Man United ay mustaqbal ifaya u yihiin kooxda Red Devils sannadaha soo socda.

Uma badna inuu mustaqbalkaas hogaamin doono Ole Gunnar Solskjaer laakiin qof walba oo bedela tababaraha reer Norway waxa uu heli doonaa seddex weeraryahan oo diyaar u ah inay qabsadaan dunida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here