Tottenham Hotspur ayaa dhameystirtay saxiixa Gedson Fernandes kaas oo qaab amaah ah ay kaga soo qaateen kooxda Benfica, saxiixa xiddigaan waxey ka dulqaadeen Man United.

21-jirkaan heerka caalami ayaa xerada tababarka Spurs ku maray xaafimaadka Isniintii, maanta ayaana la dhameystiray heshiis 18-bilood ah.

Fernandes wuxuu soo jiitay indhaha kooxo badan oo yurub ka dhisan gaar ahaan Premier League, waxaana ku jiray West Ham iyo Red Devils, balse Jose Mourinho ayaa xiddigaan ka dhigtay saxiixii ugu horreeyay January.

Heshiiska xiddigaan waxaa ku jira dooq ay Tottenham Hotspur u heysato iney xiddiga ku iibsato lacag dhan 50 Malyan oo Pound marka ay dhamaato mudada amaahda.

Jose Mourinho dhibaato khadka dhexe ah ayaa soo wajahday kadib markii uu dhaawac ku waayay Moussa Sissoko, sidoo kalana aan la ogeyn sida uu kooxda usii joogi karo Christian Eriksen.

Fernandes wuxuu 9 kulan u saftay Benfica fasalkaan, wuxuuna kooxdiisa fasalkii lasoo dhaafay ka caawiyay iney horyaalka ku guuleysato.

Laba jeer ayuu qarankiisa darajada sare kasoo muuqday, sidoo kalana wuxuu matalay da’yarta Portugal min 15-jir ilaa 21-jir.

Gerson Fernandes waxaa heshiiskiisa Benfica lagu jabin karay 102 Malyan oo Pound, balse khilaafka soo kala dhexgalay isaga iyo tababarahiisa Bruno Lage ayaa qasbay in hoos loo dhigo qiimahiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here