Barcelona ayaa iska ceyrisay Ernesto Valverde kadib laba sano iyo bar uu maamulayay kooxda ka dhisan Camp Nou, waxeyna badalkiisa magacaabeen Quique Setien oo muddo ka shaqeynayay La Liga.

Shabakadda Marca waxey diyaarisay maqaal yar oo dhinacyo badan taabanaya kaas oo muujinaya maalinta ay jaceylka u qaaday Barcelona macalinka reer Spain ee aan hadda lagu qabin kalsooni uu guulo ku gaarsiin karo Balaugrana.

Quique Setien wuxuu guul ku gaaray Camp Nou, Ernesto Valverde ayuuna ku garaacay 3-4, waana maalinta la hubo iney kooxdaan jeclaatay macalinkaan.

Real Betis oo lagu tiriyo kooxaha kubadda ugu qurxoon ciyaara ayaa heshay kubad heysasho 46%, balse guul muhiim ah ayey gaareen, sidoo kalana 15-kubad ayey goolka aadiyeen iyadoo 8-ka mid ah ay ku beegeen goolka, 4-gool ayeyna ka heleen.

Waxyaabaha xiisaha leh waxaa ka mid ah in Setien uu markaas kooxdiisa ku heystay Junior Firpo oo hadda ku sugan Camp Nou.

Tababaraha cusub ee Barcelona wuxuu jabiyay rikoorka kubad heysashada Guardiola ee La Liga maadaama fasalkii hore wiilashiisa ay heleen 82.51% kulan ay 1-0 kaga badiyeen Leganes kana dhacay Estadio Benito Villamarin.

Guardiola wuxuu rikoorkaas sameeyay 2010/2011 kulan ay 2-1 kaga badiyeen Levante, 82.22% ayeyna heleen.

Kulankii fasalkii hore ay Barcelona booqatay garoonka Benito Villamarin guul ayey soo heshay, waxeyna heleen 4-1, balse kooxdii gurigeeda la joogay 56.1% ayey keensadeen halka Barcelona ay keensatay 43.9%.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here